Sawirro: Al-Shabaab oo Raashin Qeybin Ka Sameeyay Sanaag.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa todobaadkan raashin qeybin ka sameysay degaano ka tirsan gobolka Sanaag halkaasoo ay kamid ah meelaha ay abaaruhu saameeyeen.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ku sugan Sanaag ayaa xaqiijiyay in raashin loo qeybiyay 180 qos, ayna jiraan laba goobood oo kale oo raashinka laga qeybiyay.
Dadka raashinka la siiyay ayaa Xarakada Al-Shabaab uga mahadceliyay gurmadka iyo garab istaagga xilli waliba adag oo aad loogu baahi qabay.
Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in qorshahoodu yahay iney gurmadka kasii wadaan gobolka Sanaag.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA