Siyaasi Ahna Ganacsade Kenyan Ah Oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah musharrixiinta doonayay inay u tartamaan xilka wakiilka degmada hoose ee Mombaba ee ka tirsan ismaamulka Kisii la xaqiijiyay inuu geeriyooday, kadib markii ay weerareen dabley aan wali la aqoonsan.
Thomas Okari oo ahaa siyaasiga la dilay ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, kadib markii xilli habeenima ah ay gurigiisa ku soo weerareen rag ku hubeysan Baangado iyagoona u geestay daawacyo halis ah ka hor inta aysan ka baxsan goobta sida laga soo xigtay xubin ka mid ah qoyskiisa.
Thomas oo sidoo kale ahaa ganacsade caan ah islamarkaana ganacsigiisu u badnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa dilkiisa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Kisii ee Koonfur-Galbeed wadankaas.
Siyaasiyiinta dalka Kenya ayaa falkaan lagu dilay musharraxan waxay ku tilmaameen mid la xiriira siyaasad iyagoona ka dalbaday laamaha amaanka iyo xafiiska agaasimaha dacwad oogista Kenya inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan fal dambiyeedkan.
Ma jiro weli cid loo soo qabtay dhacdadan oo ah mid aad looga hadal hado gudaha wadanka Kenya.