Weerar Culus Oo ka dhacay Magaalada Newyork ee Maraykanka.
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa tilmaamaya in qof hubeysan uu weerar xoogan ka fuliyay boosteejo laga raaco Tareennada oo ku taalla magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.
Fuliyaha weerarka oo ku hubeysnaa hub casri ah ayaa gudaha u galay boosteejo laga raaco Tareennada oo ku taalla dhulka hoostiisa, wuxuuna halkaas ka geystay weerar culus.
Wuxuu adeegsanayay bambaanoooyin, isagoona sidoo kale ku hubeysnaa hubka casriga ah ee boobayaasha ah.
Ugu yaraan 16 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen weerarka, kuwaasoo 5 kamid ah xaaladooda ay aad u liidato.
Ciidamada booliiska magaalada Newyork ayaa tilmaamaya in fuliyaha weerarka uu baxsad yahay, islamarkaana watey qalabka laga xirto sunta, oo aan wejigiisa la aqoonsan karin.
Booliiska Maraykanka wuxuu tilmaamayaa in weli aaney ogeyn dawaaficda fuliyaha weerarka, balse aaney baciid ahayn in weerarku yahay “mid argagaxiso” tilmaamtaas oo badanaa Maraykanku siiyo weerarada keligii duulnimada ee ay Muslimiintu fuliyaan.