Wiil Soomaali Ah oo Dilay Xildhibaan Ingiriis Ah oo Xukun Lagu Riday.
Dowladda Ingiriiska ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Xarbi Cali d’diisuna tahay 26 sano jir, kaasoo ay ku eedeysay inuu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Xisbiga Conservative-ka ee wadankaas.
Wararka ka imaanaya dalkaas ayaa sheegaya in Cali uu maxkamada horteeda ka qirtay in 15kii October ee sanadkii lasoo dhaafay 2021-kii uu Toorrey ku dilay xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray David Amess oo la sheegay inuu kamid aha Xildhibaanada ugu caansan uguna waqtiga dheeraa Baarlamaanka UK.
Saraakiisha baarayaasha ayaa sheegay in Xildhibaanku uu dhintay wax yar kadib markii lagu weeraray kaniisad ku taala magalada Leigh-on-Sea, oo uu kulan kula lahaa dad kasoo jeeda gobolkiisa, waxana uu noqday xildhibaankii 2aad oo muddo 5 sano gudohood ah la dilo, sannadkii 2016 ayay ahayd markii la dilay xildhibaan lagu magacaabi jiray Jo Cox.
Kaligu duulka Soomaaliga ah ee Cali xarbi ayaa 21 mar Toorrey ku shannaqay xildhiban David Ames oo ahaa 69 sano jir, taasoo keentay in xildhibaankaasi uu ku dhinto kaniisada ka hor inta aan loola cararin goobaha caafimaadka. Intaasi kadib Cali ayaa la qabtay isagoo ku guda jira xeeladdii uu ku baxsan lahaa xilli uu dhexda ka galay dadkii kasoo qeyb galay kulanka, balse daqiiqado dood ah kadib ayaa Cali loo xeray dilka Amees iyo in uu sidoo kale qorsheynayey weeraro kale oo ka dhan ah xildhibaanada.
Siyaasiyiinta iy Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in David Amess uu ahaa rug cadaa muddo 38 sano ah ka tirsanaa baarlamaanka London, wiilka Soomaaliyeed ee ka dambeeyay dilkiisa ayaana sheegay inuu ninkaasi ka mid ahaa koox xildhibaano ah oo bartilmaameed u ahaa sababo ku aadan inay u codeeyeen gumaadkii iyo xasuuqii loo geystay Muslimiinta Suuriya.
Dhacdada dilka ah ee loo geystay xildhibaanka Ingiriiska ah ayaa la aaminsan yahay iney dareen ku beertay dhammaan xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta wadankaas iyagoo ka baqaya suura galnimada weeraro kale, waxaana hawlgalka Cali Xarbi uu sababi karaa in dowladaha reer Yurub ka fiirsadaan go’aanada ay ka qaadanayaan dalalka Muslimiinta ee duullaanka lagu qaaday.