16 Askari oo Ka Tirsan J/land oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaal.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kimsaayo muddo laga joogo 24 saacadood kaasoo dhex maray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Jubbaland.

Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid si kadis ah loogu soo qaaday askarta maamulka Kismaayo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 16 askari.

Waxaa dhintay 7 askari halka ay dhaawacmeen 9 kale, xogtan ayaan kasoo xiganay ilo kala duwan. Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa sii xoojiyay weeraradooda ka dhanka ah shishisheeyaha iyo DF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.