20 Ruux Oo Ku Dhimatay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Galbeedka Dalka Uganda.
Warar ka imaanaya wadanka Uganda ayaa ku waramaya in shil gaari oo khasaare xooggan geystay uu ka dhacay galbeedka dalkaas.
Shilka ayaa yimid kagadaal markii gaari bas ah oo siday dad rakaab ah uu ku rogmaday deegan ku yaalla galbeedka wadanka Uganda, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray rabaabkii la socday gaariga.
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay shilkaan oo ay ku jiraan 7 caruur ah siday ay xaqiijiyeen booliska dowladda dalkaas, waxayna sidoo kale sheegeen in ilaa iyo haatan aan la aqoon waxa sababay in gaarigaan uu rogmado.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga shilka galay uu ka soo ambabaxay magaalada Fort Portal islamarkaana uu ku sii jeeday magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Dalka Uganda ayaa inta badan waxaa ka dhaca shilalka gaari, kuwaas oo sababa khasaarooyin kala kuwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Shilkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalkaas sanadihii lasoo dhaafay.