Wariye Jamaal: “Shabaab waxay heystaan dhulka ugu barwaaqada badan Soomaaliya”.

Qaar kamid ah gobollada ay mamausho Xarakada Al-Shabaab waxaa dhawaan booqasho ku tagay wariye Jamaal Cusmaan oo ka tirsan TV-ga Channel 4 isagoo sheegay inuu aad ula dhacay nolosha barwaaqada iyo hormarka leh ee ka jirta magaalooyinkii uu soo maray, isagoo sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay gacanta ku heyso dhulka ugu barwaaqada adan Soomaaliya.
Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa lagu arkayaa isagoo oo ku sugan degmada Jammaame ee gobolka Jubada Hoose. wuxu yiri: “Qofkii aaminsanaa in Al-Shabab gaajo ku dishay duurka nimcada ay haystaan fiiri. Dhulka wax soo saarka ee ugu barwaaqeysan Soomaaliya iyagaa haysta. Toddobaadkii hore ayaan joogay gobollada Jubbooyinka”
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.