Al-Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Koontaroolka Balcad Iyo Dagaalo Ka Dhacay Sh/hoose.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay fuliyay weeraro kala duwan oo ka kala dhacay gobollada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.
Dhanka Sh/dhexe, waxay weerar ku ekeeyeen barta koontaroolka ah ee canshuuraha looga qaado dad weynaha iyo gaadiidleyda halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa DF.
Ilo wareedyo ayaa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyay in gabi ahaanba bartaasi ay la wareegeen ciidamadii Al-Shabaab ee weerarka qaaday.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay weerareen saldhigga ciidamada DF ay ku leeyihiin buundada yar ee degmada Afgooye, dagaalkan ayaana muddo socday.
Waxa kale oo xalay dagaal marti galiyay ciidamada shisheeye ee heysta degaanka Buulomareer iyo askarta difaaca u ah ee DF.
Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa hubka noocyadiisa ku beegsaday saldhiggyada shisheeyaha iyo kuwa askarta DF, lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkan.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa aad usii laba jibaaray weeraradooda ka dhanka ah DF iyo ciidamada shisheeye, Atmis ayaa ku doodeysa iney ilaalineyso nidaamka dimuqraadiga ah oo ay beesha caalamku doonayaan inuu ka hir galo Soomaaliya iyadoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sheegtay ineysan aqbaleyn wax aan ka ahayn shareecada islaamka.