Al-Shabaab oo Weeraro Ka Geystay Muqdisho Iyo Garbahaarey.
Ciidamo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka geystay magaalada Muqdisho iyo degmada Garbahaarey ee goblka Gedo.
Magaalada Muqdisho haddaan ku horreyno, waxaa habeenkii xalay la weeraray saldhig ay ciidanka DF ku leeyihiin degmada Dharkeenley iyo saldhig kale oo ay ku leeyihiin degmada Heliwaa gaar ahaan Suuqa Xoolaha.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan, dadka degaanadaas ka ag dhow ayaa warbaahinta u sheegay iney maqlayeen dhawaqa hubka la isku adeegsanayay.
Sidoo kale waxay ciidamada Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen ciidamada DF ee ku xareysan xerada WFP ee degmada Garbahaarey.
Ciidamada la weeraray ayaa waxaa halkaasi dajiyay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee Garbahaarey heystay si ay difaac ugu noqdaan, weerarka ayaa ahaa mid xoogan waxaana ilo wareedyo ay sheegayaan inuu jiro khasaare gaaray askarta dowladda walow aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.
Ciidamada Al-Shabaab ayaa si joogto ah u weerara askarta ajnabiga ah iyo kuwa DF, ciidamada shisheeye ayaa ku doodayaa iney ilaalo u yihiin nidaamka Dimuqraadiga halka Xarakada Al-Shabaab ay wacad ku martay in aysan oggolaan doonin in Soomaaliya lagu dhaqo mabda’ aan ahayn kan islaamka.