Askar Itoobiyaan Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qarax Ka Dhacay Baay.

Kolonyo Itoobiyaan ah oo maalintii 4aad ku socdaalaya wada isku xirta magaalooyinka Beydhabo iyo Buurhakaba ayaa qarax lagula beegsaday halkaas.

Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya, halka lagu dhaawacay 6 kale.

Waxaa intaas dheer in ciidamo Itoobiyaan ah oo gurmad ahaa uga soo baxay degmada Buurhakaba ay iyaguna la kulmeen weerar kamiin ah, taas oo keentay inay hakadaan.

Maanta oo kaliya waxaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku rafaadaya wadada isku xirta magaalooyinka Beydhabo iyo Buurhakaba lala beegsaday illaa 3 qarax, waxaana saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo lala beegsaday looga dilay 5 askari, halka looga dhaawacay 8 kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.