Askar Katirsan DF Oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Dilay Degmada Guriceel.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dil Degmada Guri-Ceel ee gobalka Galgaduud loogu geystay wiil dhalimyaro ah oo kamid ahaa dadka ku nool degmada.
Siciid Gabeyre oo loo yaqaanay (Afar Daqiiqo) ayaa saacado ka hor lagu dhex toogtay gudaha degmada Guriceel ee katirsan gobalka Galgaduud.
Sida ay xogtu tilmaamayso, waxaa wiilkaan dhalinyarada ah si bareer ah udilay ciidamao katirsan kuwa DF, waxayna wararku intaa ku darayaan in Saciid uu baraha internetka ka dhaliili jiray madaxda maamulka Galmudug.
Waxaa xusid mudan in xilligii uu dilku dhacayay ay ciidamada DF degmada ka wadeen baaritaanno, taas oo muujinaysa in dilka uu ahaa mid bareer ah.
Dilka wiilkaan dhaliyarada ah loogu geystay degmada Guriceel ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay halkaasi isaga barakeceen dadka rayyidka ah, kadib markii kooxaha Suufiyada ay ku dhawaaqeen inay weerar kusoo yihiin magaalada.