Atmis oo Askarta DF Ku Amray Iney Ka Guuraan Agagaarka Afisyooni.

Taliska ciidamada shisheeye ayaa amar ku bixiyay in ay ciidamada DF isaga guuraan agagaarka goobta loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha DF.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u xaqiijiyay in taliyeyaasha ciidanka DF loo qeybiyay warqado uu amarkaasi ku qoran yahay oo kasoo baxay taliska Atmis ee fadhigiisu yahay Xalane.

Arrintan ayaa timid kadib markii la dareemay in saraakiisha qaarkood ay ka caga-jiidayaan amarkan oo uu markii hore warbaahinta ka shaaciyay gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe.

Saraakiisha dowladda ayaa aqbalay ugu dambeyn amarka kadib qoraaladii kasoo gaaray shisheeyaha, waxaana ay billaabeen iney gabi ahaanba isaga baxaan teendhada Afisyooni kana guuraan agagaarkeeda oo dhan.

Goobta ayaa waxaa isku fidiyay ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi, goobta doorashada ayaa waxaa imanaya ajaanib kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socda dowaldaha faragalinta iyo duullaanka ku haya Soomaaliya, kuwaasoo u baqaya ammankooda.

Ciidamada DF ayaa aad loo bahdilay sida ay dad badan aaminsan yihiin maadaama iyagoo dalkii u dhashay laga door biday kuwa ajaanib ah, kuwa amarka siinayaahina ay yihiin ajaanibta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo saacado ka hor kasoo laabtay xerada Xalane ayaa shaaca ka qaaday in maalinta doorashada aanan teendhada Afisyooni lala soo galin karin teleefanno iyo qalabka Electaronic-ga, iyadoo tartamayaasha halkaa imanaya lagu amray iney darawaladooda usoo dhiibtaan qalabkooda.

Amarkan ah inaan telefoono lala soo gali karin ayaa ku wajahan oo kaliya madaxda DF iyo tartamayaasha, taasoo ka dhigan in ajaanibtu ay la iman karaan wixii ay doonaan.

Ciidanka Uganda iyo kuwa Burundi ee goobta waardiyeynaya ayaa waxay qudhoodu wataan telefoono kala nooc ah, dadka wax falanqeeya ayaa waxay sheegayaan in doorashadani tahay mid aad loogu sii bahdilayo DF.

Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada DF ee afarta sano ku kooban ayaa xalay oo dhan sameynayay waxa ay ugu yeereen ol’ole, mid walba oo iyaga kamid ahna wuxuu kireystay hotel ama goob dad badan ku kulmi karaan halkaasoo la isugu keenay dumar aan xijaabnayn iyo dhallinyaro u labisan sidii reer galbeedka oo music wada ciyaaraya.

Daka qaar ayaa is weydiinaya waxa uu Soomaali usoo kordhin karo nidaan noocaas ku dhismaya?

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.