Ciidamada Yuhuudda Oo Toogtay Haweeney Wariye Ah Oo Falastiin Kasoo Warami Jirtay.

Saxafiyadda oo katirsanayd shabakadda laga leeyahay dalka Qadar ee Al-Jazeera ayaa la dilay xilli ay Yahuudu weerar ku qaadeen magaalo ku taalla daanta galbeed.

Aroornimadii hore ee saakay ayay ahayd markii ay weerareen magaalada Al-Janiin ee dhacda Daanta-Galbeed, Waxaana Weerarkaas ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiyiinta ayaa sheegtay in haweeneyda saxafiyadda ah ay toogteen ciidamada Yuhuudda intii uu socday weerarka.

Al-Jazeera ayaa si kulul u cambaareysay dilka ay ciidamada Yuhuudda ugeysteen haweenaydaan iyaga ushaqeynaysay.

“Waa dil argagax leh oo dillaacinaya qawaaniinta iyo halku dhigyada dowladiga ah ee ay sheegtaan Yuhuudda, kuwaas oo ku xad gudubay warbaahinta xurta ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shabakadda Al-Jazeera.

Bayaanka ayaa sidoo kale aad loogu cambaareeyay dilkaan, Waxaana lagu sheegay in looga gol-leeyahay in lagu aamusiyo warbaahinta, mas’uuliyadda dilkaan ayayna shabakaddu sheegtay inuu dusha uridanayo Maamulka Tal’abiib ee xooga lagu degaameeyay dhulalka Muslimiinta.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayay shabakaddu ka dalbatay inay dhaleceeyaan falkaan islamarkaana kuwa ka dambeeya ay si dhab ah ugala xisaabtamaan dilka iyo dhaawaca shaqaalahooda.

Waxa kaliya ee shabakadda xanuujiyay ayaa ah sida ay sheegeen in Wariyadooda la dilay iyadoo huwan shicaarka Saxaafadda, taas oo uu wariyihu kaga soocan yahay bulshada inteeda kale, waxayna dilkaan ku tilmaamtay mid bareer ah oo aan geed loogu soo gamban.

Saxafiyadaan la dilay oo lagu magacaabi jiray Shireen Abu Caaqilah ayaa waxay ka mid aheyd wariyayaashii ugu horeeyay ee TV-ga Aljazeera. Waxayna ku biirtay kanaalka sanadka marka uu ahaa 1997-dii, sanad ka dib markii la furay Telefishinkaan oo laga leeyahay dalka Qadar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.