Ciidanka DF oo Dhac Baahsan Ka Geystay Degaan Ka Tirsan Sh/dhexe.
Ciidamo ka tirsan kuwa DF ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhac iyo boob ka geystay degaanka Warciise oo hoos taga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Wararka naga soo gaaraya War-ciise ayaa sheegaya in askarta oo qamaam ah ay soo galeen degaanka islamarkaana ay dhac ugu dhaqaaqeen dad weynaha.
Waxay beegsadeen xarumaha ganacsiga iyagoo ka qaatay lacago kaash ah iyo raashin isugu jira bur, bariis iyo sonkor, sidoo kale waxay dhaceen laba gaari oo ay shacabku lahaayeen kalana ah Nooha iyo Hoomey.
Intaa waxaa dheer in ay tageen dhul beereed degaanka u dhow kana soo dhaceen hub furud oo ay beeraleydu sheegeen iney hantidooda ku ilaashan jireen iyo lacago kaash ah.
Askarta DF ayaa caan ku ah dhaca iyo boobka, dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha DF loo doortay Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu ah ninka qortay ciidamada DF ee jooga degaanada qaar ee Sh/dhexe.