Ciidanka Koofurgalbeed oo Duleedka Baydhabo Qof Rayid Ah Ku Dilay.

Ciidanka maamulka Koofurgalbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay rasaas ooda uga qaaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah kadib markii ay uga soo bexeen meel u dhow goobta isbaaradooda si ay dhac ugu geystaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaastaasi ku dhintay 1 qof mid kalana waa uu ku dhaawacmay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qofka dhintay lagu magacaabi jiray Madey Ibraahim.

Qofka ay dileen iyo kan ay dhaawaceen ciidanka Koofurgalbeed ayaa waday wiil yar oo la xanuunsanaya dhagax sanka ka galay si ay goob caafimaad u geeyaan, wax ba ma gaarin wiilkii yaraa.

Ciidamada DF ayaa waxay si joogto ah u beegsadaan dadka rayidka ah, inta badanna waxaa dadka loo dilaa lacago baad ah iyo wax lamid ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.