Dad American Ah Oo Lagu Xasuuqay Toogasho Ka Dhacday Mareykanka.
Waddanka Mareykanka waxaa laga soo sheegayaa weerar hor leh oo lagu qaaday iskuul ku yaalla gudaha dalkaas, kaas oo lagu dilay in ka badan 20 ruux.
Ugu yaraan 21 ruux oo American ah ayaa lagu dilay weerarkaan cusub oo lagu qaaday Madaraso Ibtidaa’i ah oo ku taalla gobalka Texses ee dalka Mareykanka sida uu xaqjiiyay xaakimka gobalkaas.
Ruux hubeysan oo 18 jir ah ayaa weerar culus ku qaaday Madarasada Rob ee ku taalla gobalka Texses, isagoona halkaas ku dilay 20 arday iyo mid kamid ah macallimiinta madarasada.
Xaakimka ayaa intaasi ku daray in fuliyaha weerarkaan uu isana dhintay, kadib markii ay toogteen saraakiil katirsan boliska oo yimid goobta uu weerarku ka dhacay.
Saraakiisha gobalka ayaa dadka ka codsaday inaysan usoo dhawaanin goobta, islamarkaana ay wadaan baaritaanno ku aaddan dhacdadaan.
Fuliyaha weerarka oo ah nin American ah ayuu Xaakimka gobalku sheegtay in uu si argagax leh u laayay ardayda iyo macallinka, isagoona xusay in dhacdadaan ay tahay mid khal khal xooggan ku beertay dadka Americanka ah.
Marka laga yimaado ardayda iyo macallinka lagu dilay toogashada, waxaa dhaawacyo ay soo gaareen laba sarkaal oo katirsan ciidamada boliska Mareykanka.
Waxaa intaas dheer in ninkaan hubeysan uu toogashada ka hor toogtay ayeeyadiis, sida ay soo tabineyso warbaahinta Mareykanka.
Toogashooyinka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay gudaha dalka Mareykanka, Joe Biden oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaana si kulul u cambaareeyay weerarkaan, isagoona is weydiiyay su’aalo ay kamid ah yihiin illaa goorma ayay American-ku la dhibaatoonayaan toogashooyinka ka dhacaya gudaha dalkaas.