DEGDEG: Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Xerada Askarta Burundi Ceelbaraf Ee Sh/dhexe.
Ciidamada Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus kula jarmaaday xerada ciidamada Burundi ay ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday qaraxyo aad u waaweyn, waxaana xigay oo xerada xoog ku galay ciidamo socda kuwaasoo toogasho iyo dagaal ku billaabay wixii ka badbaaday qaraxyada.
Wararkii ugu dambeeyay ee ay halkaasi ka heshay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa xaqiijinaya in cagta la mariyay askarta ajnabiga ah, lagana dhigay wax la dilo iyo qaar firxada.
Xerada iyo duleedyadeeda iyo dhulka hawdka ahba waxaa lagu arkayaa meydadka ciidanka Burundi oo daadsan, sidaasi waxaan kasoo xiganay qaar kamid ah dadka degaanka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalyaanno ciidankeeda kamid ah ay saaka weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Burundi ee Ceelbaraf, una dhacay sidii loo qorsheeyay.
Dhanka kale taliska ciidanka shisheeye ee ATMIS ayaan ka hadal dhacdadan iyo khasaaraha ciidankooda ku gaaray Sh/dhexe. Al-Shabaab ayaa horey weeraro noocan ah ku qaaday xeryo badan oo talis u ahaa shisheeyaha haddey ahaan lahaayeen kuwa Afrikaanka ah iyo xataa Mareykanka.
Kani waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa oo ay Al-Shabaab qaadaan tan iyo markii la badalay magacii ay shisheeyuhu ku hawlgalayeen ee ahaa Amisom loona badalay ATMIS.