Dhageyso: Kulan Qarsoodi Ah Oo 2016-kii Dhexmaray Xasan Sheekh & Benjamin Netanyahu.
Warbixin uu qoray wargayska The Times Of Israel oo laga leeyahay deegaanada Yahuudu gumeysato ee Filistiin ayaa sheegay in sanadkii 2016-kii uu kulan qarsoodi ah dhexmaray dhaxmaray Ra’izul Wazaarihii hore ee Yahuuda Binyamiin Natanyahu iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas sidan oo kale ahaa madaxweynaha dowladda Federaalka.
Waxaa warbixinta wargayska lagu sheegay in Xasan sheekh Maxamuud mudadii uu xilka hayey sanadadii 2012kii ilaa 2016-kii ay dowladiisu heshiis la gashay maamulka Yahuudda islamarkaana saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay xilligaas booqasho ku tageen deegaanada ay xooga ku haystaan Yahuuda.
“Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isbuucii hore doortay madaxwayne cusub, waxayna dib usoo celiyeen hogaamiye si qarsoodi ah ula kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu sanadkii 2016-kii” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray wargayska The Times Of Israel
Diblumaasi katirsan Dowladda federaalka islamarkaana si aad ugu dhaw Xasan Sheekh ayaa wargayska u sheegay in dib ugu soo laabashada Xasan Sheekh ay tahay horumar wanaagsan oo ku aaddan hannaanka hagaajinta cilaaqaadka dowladda federaalka iyo Yahuudda maadama Xasan Sheekh uu yahay qof aaminsan jiritaanka Yahuudda iyo in lala qeybsado nolol ku dhisan nabadgalyada iyo wada noolaanshaha, sida uu hadalka u dhigay.
“Yahuudda ayaan xiriir diblumaasiyadeed la lahayn wadankan oo ku yaalla bariga Afrika oo ay ku nool yihiin ilaa 11 milyan oo qof. Soomaaliya oo ah dal Muslim ah oo Sunni ah islamarkaana xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaan waligeed aqoonsan maamulka Yahuudda “ ayaa lagu yiri warbixinta.
Diblamaasi katirsan Dowladda federaalka ayaa yiri: “Madaxweyne Xasan oo xilli hore la kulmay Binyamiin-Natanyaahu ayaa markale la doortay. Rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan madaxweynahan cusub waa mid aad u wanaagsan.” Ayuu u sheegay wargeyska.
Waxuu wargayska The Times of Israa’iil uu sheegayaa sida ay u xaqiijiyiin mas’uuliyiin Somali ah in sanadii 2016-kii ay magaalada Talaabib oo ah caasimada gumaystaha Yahuudda ay booqasho ku yimaadeen mas’uuliyiin kasoctay dawlada federaalka ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxmuud ayna la kulmeen Natanyaahu iyo saraakil kale oo katirsan maamulka Yahuuda sidoo kalena lagu gudajiray qaban qaabada kulan kale oo dhaxmara dowladda federaalka iyo maamulka Yahuudda mudada uu xukunka joogay Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale sanadkii 2015-kii waxaa magaalada Qudus ka dhacay kulamo hoose oo dhaxmaray mas’uuliyiin katirsan wazaarada dhaqaalaha maamulka yahuuda iyo mas’uuliyiin kasocday xukumada xukuumaddii xilligaas ka jirtey Muqdisho sida uu wargaysku sheegayo.
Ra’zul wazaarihii hore ee Yahuuda Binyamiin natanyaahu ayaa ka gaabsaday ka hadalka kulankaan isagoo aan beenin dhanka kalena aan xaqiijin waxuuna kaliya ku gaabsaday in ay jiraan wadamo ay xiriir la leeyihiin oo ku yaalla bariga Africa basle uu yahay mid qarsoon.
Waxuu sidookale wargayskan Yahuuddu leedahay uu sheegayaa in ay jiraan calaamado muujinaya in dowladda federaalka ay dooneyso in ay caadiyayso cilaaqaadka maamulka Yahuuda.
Bishii Maarso 2019, Soomaaliya ayaa ka aamustay cod ay wadamada ku jira hay’adda Qaramada Midoobay ku dhaleeceeyeen qabshashadii Yahuuda ee buuraha Al-Jawlaan waxayna ahayd markii ugu horreysay oo dal xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta uu ka aamuso qaraar lagu canbaaraynayo maamulka Yahuuda oo ah mid heer caalami ah .
“Ergeyga Dowladda federaalka u fadhiyay Qaramada Midoobay ayaa codeynta kadib looga yeeray dalka, waxaana sarkaal sare oo ka tirsan dowladda uu warbaahinta u sheegay in uu aad ula yaabay diidmada kasoo yeertay Soomaaliya oo uu sheegay in ay khilaafsan tahay mowqifka rasmiga ah ee dowladda” ayaa lagu yiri warbixintaan uu qoray wargayska The Time of Israa’iil.
Saraakiil katirsan Dowladda federaalka ayaa horay u teegeeray maamulka Yahuuda iyagoo sheegay in ay suuragal tahay in ay la caadiyeeyo cilaaqaadka Yahuuda iyo Somaliya.
Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Yahuuda oo la hadlay wargayska ayaa iyagana sheegaya in ay suuratagal tahay in lasii ambaqaado wadahaladii qabyada ahaa ee horay udhaxmaray Yahuuda iyo Dowladda federaalka waqtigii uu Xasan sheekh uu jogay xafiiska inta aan markale dib loo dooran.
Waxay aaminsan yihiin in uusan jirin wax isbadal ah uu ku yimid mawqifka hogaamiyaha dowladda federaalka islamarkaana ay macquul tahay in wadahalada ay dib u bilowdaan sanadka soo socda ee 2023-ka kolkaas oo ay furmi doonaan wadahallo looga arinsanayo aqoonsiga maamulka Yahuudda iyo xubinimadeeda midawga Afrika.
Arintan ayaa imaaneysaa iyadoo dhawaan Yahuudu ay dalbatay in lagu sharfo inay xubin ka noqoto isbaheysiga midowga Africa maadama aysan Juquraafi ahaan gobolka dhicin, xeyndaabka Juquraafiyadeedna arintaas ka hor istaagayo.
Inkastoo wargayska The Times Of Israa’iil uusan sheegin halka ay ku kulmeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’zul Wazaaihii hore ee Yahuuda Binyamiin-Natnyaahuu, kulankaasne u ahaa mid qarsoodi ah, hadane waa arin aan laga baciidsaneyn Xasan Sheekh Maxamuud maadama uu yahay nin xambaarsan sooyaal madoow oo xaga taageerada Shisheeyaha ah.
La yaab ma leh in Xasan Sheekh Maxmuud oo Jigjiga u aqoonsaday magaallo Itoobiya leedahay uu sidoo kale Qudus iyo dhulka Filistiin u aqoonsado dhul ay Yahuuddu leeyihiin, islamarkaana la sameysto xiriir wanaagsan.
Sanadkii tagay ee 2020ka ayaa caalamka islaamka la fajacay xiriir iyo kal gacayl aan horay loo arkin oo ay Yahuuddu kala kulmeen dowladaha carabta gaar ahaan Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan kuwaas oo mamulka Yahuuda u aqoonsaday dawlad sharci ah islamarkaana ay soo celiyeen cilaaqaadkii kala dhaxeeyay iyagoo dhulka Filistiin u aqoonsaday in in uu yahay mid udhaxeeya labo maamul.
Dadka falanqeeya siyaasadda bariga Africa ayaa tilmaamaya in Dowladda federaalka laga filan karo inay qaado talaabadaas mudada uu majaraha u hayao Xasan Sheekh Maxmuud oo lagu xanto inuu yahay siyaasi aad ugu dhow dowladda Imaaraatka Carabta.
Halkaan Ka Dhageysi Warbixinta Kulanka Dowladda federaalka iyo Yahuuda