Dhageyso+Aqriso: Maxaa Qaaradda Africa Ka Dhigay Midda Ugu Badan Ee Ay Ka Dhacaan Afgambiyada, Sidee Ayaasa Xal Looga Gaari Karaa.
Todobadki tagay madaxweynaha dalka Mali, Asimi Gueta ayaa shaaca ka qaaday in xukumadiisa ay ka badbaaday isku day lagu af gambi lahaa, kaas oo ay soo abaabushay dowlad Ajnabi ah, wuxuuna carabka ku adkeyey in gacanta lagusoo dhigay dhamanba xubnihi ka danbeyey falkaasi, arintan ayaana banaanka keentay isweydiino dhowr ah, oo ay kamid thay, Maxaa Qaarada Africa ka dhigay, mida ugu badan ee ay ka dhacaan afgambiyada, yaase ka masuul ah arintan, Maxaase ka jiro in qaar katirsan dowladaha Yurub ay hubka isugu dhiibayaan, si ay halkooda ugasii wadaan boobka ay ku hayaan kheyradka dabiiciga ah ee dhex ceegaago mandiqadan hodank ah.
Inay markale cinwanada qabsadan hadal heynta ku aadan afgambiyada ayay dad badani ku tilmaamen inay tahy isbadal cusub oo ay galeyso mandiqada, kuwaas oo Meesha ka saaraya dhamaanba horumaradi laga filayey inay gaareen dowlada ka jiro mandiqada iyo dhaqan galinta waxa ay ugu yeeraan dimuquradiyada, halka sidoo kalena afgambiyadu ay Meesha ka saareen, dhamaanba rajadi shacabka, ayna dhulka ku daren, xurnimadi, horumarki iyo dib u dhiski ka soconayay dalal badan, maadama ay Sarakisha military-gu dib ula waregen talada maamulka ee wadamadasi.
Qaarada Africa ayaa sanadadi lasoo dhaafay marti galisay isbadalo dhowr ah, waxaana awood ganacsi oo aan horey loo arag kusoo gashay dowlada Shiinaha, taas oo booska ka riixday in badan oo kamid ah dalalka Yurub, Halka galbedka iyo Woqooyiga qaaradana ay ku luga fidsatay dowlada Ruushka, taas oo iyaduna wadata ajandayal gaar ah, meeshan ka saartay galan galki ay dowlada Faransiiska ku laheyd dalalka qaar, sida Mali, Africada dhexe iyo meelo kale.
Inay Sarakisha military-ga dib u qabsadan inta badan maamulka wadamada Africa ayaa ka dhigan, in dib loogu laabtay halki laga yimid dhowr sano kahor, waxaana laga baqaya inay dib u bilowdan dagaalo ahli ah oo aan dhamad laheyn, maadama nin kasta oo xoog talada ku qabsada uu ka hoos kacayo mid kale oo doonaya inuu booska ka riixdo, sidaba horey kaga dhacday wadamo badan oo ay kamid yihin Rwanda, Burundi, Congo iyo kuwa kale.
Labadii sano ee lasoo dhaafay oo qura, Qaarada Madow waxaa ka dhacay ilaa 7 Afgambi oo guuleystay iyo kuwa kale oo fashilmay, waxaana ugu danbeyey isku dayadi labada ahaa ee kakala dhacay wadamada Guine Besaw iyo mali, kuwaas oo la doonayay in xilka looga tuuro Omaru Sisoko iyo Assimi Gueyta, waxaana la xaqijiyey inay labadaba soo ababulen sarakil katirsan ciidanka military-ga, inkastoo khasaaraha nafeed ee ka dhashay uu ahaa mid kooban.
Afgambiga ka dhacay Geniu Besau, waxaa hogaminayey nin lagu magacabo Admiral Khoseh Amerco, kaas oo horey kagasoo qeyb galay afgambiyo kale oo ka dhacay isla dalkan, waxana intaasi u dheeraa inuu xitaa la shaqeyn jiray kooxaha gungs-ka ah ee ka ganacsado maandooriyaha, ciidanki uu horboodayey ayaana 5 saac oo dagaal ah la galay ciidanka amniga ee dalka Gunie, kuwaas oo marki danbe ku guuleystay inay iska caabiyaan falagada, waxaana lagusoo waramay in dagaalkaas ay ku dhinten ilaa lix qof oo shacab ah, iyo 7 xubnood oo katirsana mamulka dalkaasi.
Kulanki midowga Africa ee dhawaan kusoo idlaaday magalada Addis Ababa, ayaa looga dooday Daahirada cusub iyo Afgambiyada soo laalabtay, inkastoo aan waxba la iska weydin sababta rasmiga ah iyo sida looga gaashaman karo, waxaana xusud mudan in wax ka badan 200 oo Afgambi ay ka dhecen qarada, 50ki sano ee lasoo dhaafay, halka kuwa fashilmana ay intaas kaisi badan yihin.
Madaxdi isugu timid kulanka, waxaa ka maqna 4 madaxweyne oo labadi sano ee lasoo dhaafay xoog ku qabsaday wadamada Mali, Sudan, Giunu Konakeri iyo Burkina Faaso, dalalkan oo xubinimadooda midowga hakad la galiyey, ayaana ka maqna madashada, maadama ay u hogansami waayen qawaninti wadciga ahaa ee u dagsana isbaheysigasi.
Warbixintena manta, waxaan kusoo gudbin doona maclumad dheeri ah, oo ku saabsan, Tarikh ahaan goorme ayay soo bilowden afgambiyada, maxa qarada ka dhigay mida ugu badan ee ay ka dahcan, muxuse yhy kalinta ay ku leeyihin dowladaha waweyn ee ku tartamaya kheyradka mandiqada, su,asha 1aad ayaana ah, Maxaa loola jeeda weedha ah Afgambi, taas o in badan kusoo laalaabatay dhagaha bulshada.
Qaamuuska Al Macani waxa uu ku qeexaya, Kacdon dagdag ah oo lagula waregay dowlad, iyadoo la kaashanayo awood, halka sidoo kalena la oran karo, waa Darbo siyaasaded oo lama filaan ah, mararka qaarna waxaa sido kale lagu qeexa, in sheyga loo rogo waji ka duwan kii uu marka hore ku shaqeynayey.
Afgambiyadi ka dhacay qaarada waxa ay soo maren marxalado kala duwan, Waxana tarikhda ku xusan in Sanadihi u dhexeyey 1960-1990ki ay Africa ka dhecen wax ka badan 200 oo Inqilab, kuwaas oo barkood ay guuleysten, dadka indha indheya siyasada ayaana shegaya, in arintan ay la kowsatay Tajrubadi maamulka oo ku cusbeyd mandiqada, maadama ay ka hoos baxday gumeysigi dowladaha reer galbedka, maclumad badana aysan ka heysan hab maamulka, ayna kala daadsanayen hey’adaha dowlad kasta, taas oo ay sii dhertahy jritanka isqabqabsi hoose oo uu abuuray gumeystaha, aqoonta oo aheyd mid liidata, ganacasi heer calami ah oo aan jirin, waxa kaliya ee ay yaqiineen madaxda African-ka ayaana ahaa, howlaha ciidanka, taas oo fududeysan inuu mid kastaaba kan kale u awood shegto.
Dhowr sano kadib marki uu soo dhamaday dagaalki qaboba ee dhex maray reer galbedka iyo Yurubta Bari, waxaa mandiqada kusoo faafay mowjado cusub oo ku baaqaya waxa ay gaaladu ugu yeeraan dimuquradiyada oo ah diin gaalo, sanadki 1991-ki ayayna inta dowladaha mandiqada qaateen nidaamkan, dowlad kasta ayaana loo qoray dastuur gaaleed u gaar ah, in badan oo kamid ah Saxafiyinta gaalada ayaana ku doodaya, in talabadan ay ka qeyb qaadatay inay Meesha ka baxan afgambiyadi faraha badna, markale ayaana qaarada laga daremay xooga amni ah, halka sidoo kalena dhaqalaheeda uu yara kobcay.
Waxaa la oran karaa sanadki 1980ki, Ilaa 43 dowlad oo ka jiro qaarada Africa ayay hoganka u hayen Sarakisha ciidanka, kuwaas oo badankood afgambi kula waregay talada mamulka, balse sanadki 2001da, ayey maamulka kusoo haren ilaa 9 Sarkal oo qura, ragaas oo ay kamid yihin Daagigi weyna ee dalka Libya Mucamar Al Qadafi, Iseiyas Afawerki oo ah madaxweynaha Eritrea, Yuweri Moseveni, madaxweynaha dalka Uganda, Xusni Mubarak oo Masar ah, Cabdul Caziz botafliqa oo Tunis ah, Cumar Xasan Al Bashir oo Sudan ah, Loran Bagbu oo xoog ku qabsaday Every coast iyo kuwa kale, arintan ayaana daba socotay, kulan dhex maray madaxda dowladaha ka jiro qaarada Africa oo sanadki 1999ki ka dhacay dalka Jazair, halkaas oo lagu gooyey inaan wax aqoonsi ah la siin Sarakisha xooga ku qabsanyo talada wadamadaasi.
Waqtigan la joogo ilaa 18 Madaxweyne oo African ah ayaa la tilmaama inay u nisba shegtaan military-ga xooga ku qabsaday dalalka African-ka ah, iyadoo ay xusid mudan thy, in badana afgambiyadasi ay dhecen 10ki sano ee lasoo dhaafay.
Arinta labaad ayaa ah, Maxay thy waxyabaha ka qeyb qaatay soo laabashada afgambiyada?
Dadka falanqeyo siyaasada ayaana ku doodaya, in sababaha ay Sarakihsu ku baneysanayan Inqilabka ay fara badan yihin, balse waxaa la arkay in Sarakishi ku dhaqaqay falalkan wixi ka danbeyey sanadki 2000 ay iyaguna ku doodayan, isla sababihi ay shegayen jiilalki iyaga ka horeyey ee qarnigi tagay, taas oo ku xusan dhamanba buugaagti iyo warbixinadi laga qoray, shegashada 1aad ayaana ah, inay la dirirayan musuq maasuqa, faqriga, maamul xumada, amniga oo liita iyo sababo kale oo aan lasoo koobi Karin, balse waxaa hubaal ah inuusan jirin mid la yimid is badal muuqda oo la taaban karo.
Dimuquradiyadi Dhalanka aheyd way dhicisowday, Mana keenin natiijadi laga filayey, maadama aysan helin makan lagu tijabiyo oo munasab ku ah, halka sidoo kalena aysan bulshada ka dhex helin jaceyl iyo bey’o ku munsab ah oo lagu barbariyo.
Sidaas silamid ah Fasaadki ayaa kusii faafay hoganka sare ee wadamada Africa, bulshadiina waxa ay ka weysay cadaaladi ay ka sugeysay, iskaba daa waxbarashada oo liidata, ganacsiga oo dhabarka looga taagan yhy iyo kheyradka oo ay guranayan salibiyinta, kuwii ku doodayey dhaqan gelinta dimuquradiyada ayaana wiiqay waxa ay gaaladu ugu yeeraan sinaanta raga iyo dumarka, arinkaas oo xitaa ka socon waayey wadamada gaalada, marka lagasoo tago dalalka ay dadkoodu u nisba shegtan Musliminta.
Intaas oo kaliya kuma sina dhibaatada, balse waxaa daanta kale faraha kasii baxayay amniga, waxaa soo badanayay isqabqabsiga gudaha iyo midka dibada, arimahan o dhulka la galay hab dhismedki guud ee dowladaha mandiqada, sidoo kalena dhiig bax ku ahaa, ilaha dhaqaale oo markii horeba iska ahaa kuwa aad u liita.
Inta badan madaxda dowladaha Africa ee lagasoo dhex doortay bulshada, ayaa dadal ku bixiyey mudo kororsi, iyagoo khilaafaya heshisyadi hore iyo Dasatirti daaguudka ahaa ee ay ku dhaarteen, arintaas ayaana sarakisha ciidanka fursad u siisay, inay dhaqan galiyan afgambigooda, madama xukumadihi madaniga ahaa laga waayey balan qaadyadi ay sameyen.
Marka lagasoo tago arimahan, waxyabaha kale ee ciidanka dhiiri galinaya waxaa kamid ah, taagerada ay Sarakil badan ka helen shacab kadib marki ay xoog kula waregen talada xukunka, in badan oo kamid ah inqilabyadi dhacay ayaana shacabka ka helay qubul weyn, madama ay sameyen balan qadyo wax ku ool ah, iyagoo qurxinaya naftooda, bulshadana ku boorinaya in muda kadib lasoo dhisayo dowlad madani ah, balse marka hore dalkoda uu badbaadin kaga baahan yhy.
Hadaba ma jiran fara galino dibada ah oo kaalin weyn ka ciyaarada afgambiyada, su,ashas ayaa kamid ah waxyaabaha uu is weydiiyey kaatibka maqaalka, wuxuuna carabka ku dhuftay in tan iyo bilowgi qarnigan 3aad qaaradu ay wajaheyso gumeysi cusub oo leh waji ka duwan kii hore, quwadaha waaweyn ayaana ku tartamaya kheyradka qaarada, haday thy ganacsiga, macdanta, wax soo saarka kale ee beeraha iyo wixii lamid ah, arintan oo saansaanteeda si weyn looga daremayo guud ahaanba qaarada oo idil.
Daraasaadki la sameyey ayaa lagu ogaaday, in halka shey ee dhaqajinayo afgambiyada uu yhy, ismari waaga ka dheg taagan quwadaha waaweyn, sida Mareykanka, shinaha, Ruushka, Faransiiska, ingiriiska iyo dalal kale, si guud marka aad fiiriso ayaana la oran karaa, Africa waxa ay ku jirta wax u eg dagaalki qabooba ee dunida, intaas oo ay sii dhertahay, inay quwaduhu garwaqsaden, in qaaradan ay tiir dhexad u noqon doonto ganacsiga adunka, inta lagu guda jiro 20ka sano ee soo socota.
Dhanka kale hadaan fiirino qaabka ay dowladuhu ula dhaqman inqilabyada, waxaad arkeysa in Mareykanka iyo kuwa lamidka ah ay dhaleceynayan malmaha ugu horeya ee uu falku dhoco, adigoo sidoo kale arkaya inay maalmo kadib aqbalen Sarakisha ciidanka, ayna la saxiixanayan heshisyo kala duwan, iyagoo ku andaconaya inay arintani qeyb ka thy siyasada mandiqada, waxaana la oran karaa waa isburin cad iyo falsafo aan ku fadhin qiimo weyn, marka la fiiriyo hab dhaqankooda.
Marka lagasoo tago mareykanka iyo dowladaha Yurub, Midowga Africa side ula tacamula afgambiyada, maxaase talaabo ah oo ay ka qaadaan sarakishi ku kacay, oo aan ka aheyn diidmada afka ah ee kasoo yeereysay labadii sano ee lasoo dhaafay.
Heshiski Luumi ee u saxiixay midowga sanadki 2000, waxa uu didaya isbadalada siyaasaded ee ku yimid inqilabka iyo afgambiyada lagu sameynayo xukumadaha, sidoo kalena heshiski 2007, ayaa dhigaya inaan marnaba la aqonsan shakhsi ama siyaasi aan doorasho ku imaan talada maamulka, dhaman arimahas oo ka dhaqan gali waayey saaxada, heshisyadi midowga Africa-na ka dhigay hal bacaad lagu lisay.
Mar kasta oo ay dhacdo arin midan lamid ah, midowga Africa waxa uu lasoo booda in la hakiyey xubin nimada dowladi lagu qabsaday afgambiga, in ka badan 14 jeer ayayna kasoo bexeen baaqyo lamid ah kuwan wixii ka danbeyey sanadki 2003da, lkn marnaba ma dhaqan galin diidmada hoganka africanka ah iyo bayanadkooda, sababo la xiriira cadaadiska ay saarayan dowladaha caalamka iyo kuwa manidqada, arintaas ayaana lala xiriirnaya dacfiga heysto hey;adaha fulinta ee midowga, waxaana la arky Sarakil Inqilab oo kasoo qeyb galay kulamada, sida inaysan marnaba galin wax danbi ah, taas oo sii dhiiri galineysa kuwa kale.
Mar hadii uu xaalku sidan yhy, Tarenka qaarada xage ku wajahan yhy, waa gaba gabada maqaalkeena, xog aruurinadi la sameyey ayaana qeexaya, in 15 dowlad oo African ah ay waqtigan yihin kuwa aad u liita, saacad walibana ay suurta gal thy inuu ka dhoco afgambi military, arintaas oo hor jogsan donta fursado shaqo oo ay heli lahayen dhalinyarada, kana qeyb qaadan laheyd Koboco dhaqale ee mandiqada, baqdinta ugu weyn ayaana ah, in xasaradaha ka dhalan karo inqilabyada ay dib u celiyan dalalka qaar, kuwaas oo ay ka jirto nolol ciriiri ah, faqrigana uu dilooday.
Si guud marka aad fiiriso dagaalka dowliga ah ee ka jiro Saaxada Africa, ma ahan mid la saadaalin karo, sababtoo ah waxaa isku mashqulsan dowlaha waweyn ee boobka ku haya kheyradka dabiiciga ah ee ay hodanka ku tahay qaarada, suurta galna ay thy inay iyaguba gadal ka hurinayan dagalada, si aysan bulshadu u gaarin wax horumar ah, cida kaliya ee arintan go,aanka ka gaari karto ayaana ah shucubta mandiqada, si loo xaqiijiyo aragtida mustaqbalka iyo qorshaha 2063, kaas oo ah midka ay hiigsaneyso dowlad waliba.
Iskusoo wada duubo, afgambiyadu waxa ay horseden dhibatoyin badan, inkastoo doorashada qudheda aysan keenin wax kheyr ah, qaarada Africa waxaa ku badan gaalada, balse waxaa ku dhex nool dhowr dal oo ay dadkoodu muslimin yihin, kuwaas oo iyagana lagu maamulo dasatir ilxaadi ah, waxa kaliya ee horumar iyo cadaalad ku hogamin karo Africa ayaana ah, ku dhaqanka sharecada Islaamka, si lamid ah wilaayaadka Islaamiga ah ee ka jiro geyiga Somaliyed.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Afgambiyadi ka dhacay qaarada africa.