Dhageyso+Aqriso: Maxad Ka Ogtahay 4ta Arin Ee Mareykanka Ka Hor Taagan Inuu Dhimo Ciidankiisa Ku Sugan Bariga Dhexe.
Maxad ka ogtahay 4ta arin ee Mareykanka ka hor taagan inay dhimaan ciidanka ka jooga Bariga dhexe, waa cinwaanka warbixin uu qoray Markazka darasadka Istaraatijiga ah ee CSIS ee fadhigiisu yhy Magalada Washington, taas oo looga hadlayo buuqa siyaasaded ee ka taagan gudaha dalkaasi, xilli axzaabta mucaaradka ay dalbanayan, in hoos loo dhigo ciidanka dalkooda ka jooga bariga dhexe.
Madaxdi is xigxigtay ee xukumada Washington, waxa ay ka sinaayeen inaan fara galin lagu sameyn ciidanka ka jooga mandiqada 25ki sano ee lasoo dhaafay, inkastoo Barrack Obama iyo Donald Trump ay xooga saarayen Badaha Indian Ocean iyo Pacific, iyagoo dadal ku bixinaya sidii ay lugaha ugala bixi lahayen dhiiqada dagaalka mandiqada, balse ilaa waqtigan ayaa la rumeysan yhy, Inay ciidan gaaraya 40 ilaa 50Kun oo Askari ay ka joogan wadamada carabta.
Inta badan ciidanka Washington ayaa fariisimo ku leh wadamada Khalijka iyo Badahooda, kuwaas oo tiro ahaan lagu qiyaaso ilaa 35kun oo Askari, halka ku dhawad 7kun oo kalena ay ku firirsan yihin, wadamada Ciraq, Turkiga, Suurya, Urdun iyo Masar, sida lagu shegay warbixinta.
Waqtigan la joogo, waxaa soo kordhaya dadka dalbanaya in la dhimo joogitanka ciidan ee bariga dhexe, arintan oo soo bilabatay marki ay dowlada Ruushka duulaanka ku qaaday wadanka Ukraine, iyadoo ay xusid mudan thy in sidoo kale Washington ay ka tashay shidaalka iyo gaazka dabiiciga ah ee lagasoo saaro wadamada Khaliijka, ayna bilowday inay dhulkeeda kala soo baxdo, madama ay leedahy keydka ugu balaaran ee aduunka, marka laga hadlayo maadada khaamka ah ee laga sameeyo shidaalka iyo gaazka dabiiciga ah ee la shito.
Sidoo kale dadka dalbanayo in ciidanka lagasoo saaro wadamada carabta ayaa ku doodaya, inuu hoos u dhacay dagaalki ay ku jiren waxa ay ugu yeeraan argagaixisada, loona baahan yhy in diirada la saaro khatarta sii xoogeysaneysa ee masalixdooda kaga imaaneyso wadamada Ruushka iyo Shiinaha, xilli Sarakisha Pentagon-ka ay qirayaan, inay asaagood kadib dhecen wax ka badan 25sano, mudadas oo ah inta ay ku mashquulsanayen dagaalka ay kula jiran Jihaadiyinta caalamka, gaar ahaana Urur weynaha Al Qaacida oo kaga hor yimid inta badan wadamada caalamka Islamka.
Dhowr maalin kahor ayay Shabakada CSIS ee ka faaloota arimaha amniga faafisay Daraasad ka kooban 97 Page, taas oo looga gadlayo waxa badalka u noqon kara faafsananta ciidanka Mareykanka ee Bariga dhexe, halka sidoo kalena qormada lagu bixiyey tusaalooyin dhowr ah, oo ay suurta gal thy inay ka faaideystan dadka ku howlan siyaasada ee kusugan aqalka cad, inkastoo dhanka kale uu ka digay, dhimista ciidanka ee lagu tashan, taas oo horseedi kara khatar weyn oo aan marka hore xisaabta lagu darsan.
Khubarada American-ka ah iyo Siyaasiyinta ayaa kukala aragti duwan mustaqbalka ciidankooda ee mandiqada, kuwa doonaya in la dhimo tirade ciidamada ka jooga bariga dhexe ayaana ku doodaya, inay muhim thy tartan adag oo lala galo shiinaha oo ka dhacaya Hadaha India iyo Pacific, iyo sidoo kale Ruushka laga horjoogsado fara galinta uu ka wado Yurubta Bari, iyagoo tusaale ka dhiganaya inaan baahi weyn loo qabin Naftada khalijka, hanjabadi Washington kaga imaaneysay dhanka jihadiyintana ay ka yartahy sidii hore, inkastoo lagu khilafsan yhy arintan, Hey’ada amniga qarankana ay bixineyso digniino ah, inaan la dhayelsan urur weynaha Al Qaacida, kaas oo ay tilmaantay inuu siduu hore ka halis badan yhy, marka la fiiriyo faracyada sii kobcaya ee uu kuleeyahy bariga iyo galbedka qaarada Africa, mandiqada Bariga dhexe iyo meelo kale, saacad kastana la filan karo inay qaadaan, howl galo waaweyn oo ka xanuun badan kuwii hore.
Siyasiyinta kale ee la dhacsan sii joogitanka ciidankooda ee mandiqada waxa ay ku doodayan, inay wali ka jiran bariga dhexe, Khusuum adag oo aan la loodin, kuwaas oo u hanqal taagaya mandiqada, Sida SHiinaha, Ruushka, Iran iyo Daanta kale oo ay taagan yihin Jihadiyinta, dhamaan darafyadan oo iskasoo horjeeda, hadana ka mideysan cadaawada kala dhexeyso dowlada Mareykanka.
Qoraaga Maqaalka ayaa yiri, Masalxida caalamiga ah iyo Kuwa mandiqada ee Mareykanka way sii hor marayan waqti kasta, hadana waxaa suurta gal ah inay isbadalan saacad waliba, maadama cadawgooda uu dadal ku bixinayo, sidii ay u badali lahayen istiratijiyada mustaqbalka ee bariga dhexe, arinkaas oo horseedi doona, guul daro siyaasaded oo dhabarka loo saaro xukumada Washington.
Taqriirkani kama gaabin digniinta uu ka bixinayo dhimista ciidanka iyo sameynta ay yeelan karto, nuqul kamid ah ayuuna ku leeyahy, in ciidanka laga saaro wadamada khalijka waxa ay keeni karta inay yarato galan galka ay Washington ku leedahay wadamadan, talabadan oo faaido weyn u ah kuwa la loolamaya, halka sidoo kalena ay wiiqi doonto, qorshihi difaaca ee looga hortagay siyaasadaha cadowga.
Hadaba maxaa iman karo hadii hoos loo dhigo joogitanka ciidanka Mareykanka ee bariga dhexe, waxaa arinkaasi faahfaahin ka bixinaya Jerrad Koshner oo horey usoo noqday lataliyihi Trump ee bariga dhexe, wuxuuna shegaya in joogitanka shiinaha uu sare usii kacayo, Rushkana uu lasoo baxayo miciyihisi qarsana ee mandiqada, halka sidoo kalena awooda dowlada Iran ee wadamada Lubnan, Syria, Iraq, Afghanistan Iyo Yemen uu gaari doono halkii ugu sareysay, taas oo ah mida baqdinta ku heyso madaxda hogamisa aqalka cad.
Sidaas si lamid ah, waxaa hubaal ah in hadii uu Mareykanku ka boxo mandiqada, ay banaanka usoo bixi doonto loolanka loogu jiro xaga awooda, ee ka dhex taagan dowlada Iran, Mamulka Yuhuda iyo Dowlada Sucudiga, ilaa marka danbe khilaafku uu ka gaarayo in la isku adegsado hubka Nuclear-ka, balse waxa la is weydinayo ayaa ah, hadii joogitanka lagu ilaalinayo intaas oo ay ku sheegeen masalix, muxuu keeni karaa bixitankooda.
Dhanka kale hadii hoos loo dhigo ciidanka mareykanka ee jooga bariga dhexe, waxaa hoos u dhici doonta heybadi ay laheyd xukumada Washington, sidoo kalena waxa ay weyn doonta shidaalki iyo gaazki xisaab la,aanta ah ee ay ka heli jirtay wadamada khalijka, taas oo ka dhigan inuu hoos u dhici doono dhaqalihi mareykanka kasoo galayey suuqyada caalamka.
Inkastoo mareykanka uu ka maarmo shidaalka mandiqada, hadana waxa ay arintani saameyn balaaran ku yeelan doonta xulafadeeda, kuwaas oo ay ka dilaci doonto Azamo shidal, waxaana dalalkaasi kamid ah, Japan, Hindiya, Kuuryada koofured iyo qaar katirsan dowladaha Yurub, kuwaas oo dhamantood ku xiran naftada khalijka ee ay dalaalka ka thy xukumada Washington.
Hadaba maxaa badiil u noqon kara joogitanka Mareykanka ee bariga dhexe, mar hadii la isku khilaafay bixitanka iyo joogitanka, dhinac kastana uu halistiisa ximbarsan yhy, waxaa arinkaasi ka jawabaya taqriirka, kaas oo soo aruuriyey 3 shey oo badal noqon karta, 4 arin oo Mareykanka ku riixaya inay ciidankiisa sii joogan mandiqada, iyo 4 kale oo laga dalbanayo Washington inay il gaar ah u lahato, dhaman qodobadas oo aan mid mid u shegi doono.
Hadi aan ku hormarno 3da shey ee badalka u noqon karo waxaa kamid ah, in la reebo ciidan aan ka badneyn 5kun oo Askari oo leh fariisin qura, kuwaas oo qaabilsan ilaalinta masalixda mareykanka iyo qiimeynta hanjabadaha mustaqbalka, iyadoo inta badan ciidanka hada jooga dib loogu celinayo dalkooda, arinkas oo ay dhaqan galintiisu thy mid adag, oo aan suura galin waqtigan la joogo.
Mida labaad waxa ay thy, in kala bar ciidanka hada jooga dib loogu celiyo dalkooda, barka kalena laga tago, si ay halkooda uga sii wadan howlihi ay hayen, iyagoo awooda isugu geynaya la socodka awoodaha soo koroya sida Iran, Ruushka iyo Shiinaha, dadalna ku bixinaya inaan loo dib marin sxbtinimadii ay soo dhisayen dhowr iyo 30ki sano ee lasoo dhaafay.
Arinta ugu danbeysa waxa ay thy, in ciidanka loo daayo sida ay hada yihin, oo aan lagu sameyn wax is badal, kaliyana awoodooda loo weeciyo tartanka xukumadooda kala dhexeyo dowladaha waweyn, iyadoo il gaar ah loo yeelanayo waxa ka soconaya bariga Yurub.
Intaas kadib qoraaga ayaa qiimeyn ku sameyay faaidoyinka laga heli karo qodobadan, wuxuuna warkiisa kusoo koobay, inaysan Washington ahmiyad weyn hada u heynin bariga dhexe, si lamid ah 30ki sano e lasoo dhaafay, inkastoo ay jiraan Masalix mushtarik ah oo labada dhinac ka dhexeyo.
4ta arin ee Mareykanka ku qasbaya inuu ciidankiisa kusii hayo bariga dhexe waxa ay kala yihin, dagaalka Iran kala dhexeyo dowladaha Khalijka, Soo noqoshada iyo dardarta ay ku socoto dacwada jihaadka, dagaal wakaladedka ay dowlada Ruushka kaga jirto Galbedka caalamka islamka, taas oo ay sii dhertahy , Islamiyinta oo soo noqosho bilaabay, lagana baqayo inay dalal badan ka dhacan wixii dhawaan ka dhacay Afghanistan oo kale.
4ta ugu danbeysa waxa ay thy, arimaha Washington kaga baahan inay dib u eegis ku sameyso, kuwaas oo kala ah, la socodka dhaqdhaqaqyada Shiinaha iyo Ruushka iyo sidii looga hortagi lahaa, garab istaaga xulafada Washington ee la kulmaya weerarada kaga imanayo Iran iyo Xulufadeda, in Meesha laga saaro dhaq dhaqaqyada Jihadiyinta ee hanjabada ku ah Masalixda Mareykanka, iyo Ilaalinta xuriyada biyaha iyo in shidaalku uu si xur ah ku gaaro dalalka Asia, Yurub iyo Mareykanka.
Iskusoo wada duubo, Gaba gabadi maqalka ayaa lagu yiri, Mareykanka kuma haboona inuu mandiqada ku joogo ciidan sugan, oo aan dhaqdhaqaq laheyn, sababtoo ah wax waliba waxa ay isku badali karaan dhowr daqiqo, tusaale ahaan, heshiska Nuclear-ka Iran, wuxuu mesha ka saaraya khilaafka Sucudiga iyo Iran, Tarajuc ay sameyso Beijing wuxuu dhimaya heegan ay ku jirto Washington, hal weerar oo ay AL Qaacida fulisana wuxuu sii kordhin karaa ciidanka jooga mandiqada, marka siyaasado ma ahan baa lagu yiri wax la isku haleyn karo, sidaa darted waxaa laga maarmaan ah in la galo feejignaan dheeri ah, darafyada 4ta ah ee aan so shegnayna isha sii gaar ah loogu hayo.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Maxaa ka hortaagan Mareykanka inuu ciidankiisa kala baxo Bariga Dhexe