Dhageyso: TPLF Oo Xabsiga Kasii Deysay Maxaabiis Dagaal [Warbixin]

Maalintii shalay oo jimca aheyd Jabhadda TPLF ayaa shaaciyay inay sii daysay in ka badan 4000 oo maxaabiis dagaal ah, kuwaas oo lagu sii daayay qaraar cafis ah, xilli waxa loogu Qaramada Midoobey ay sheegtay in in ka badan 300 oo gaadiidka xamuulka qaada ah ay gar gaar bani aadannimo gaarsiiyeen gobalka Tigree muddo hal isbuuc gudihiis ah.

Bayaan kasoo baxay TPLF islamarkaana lagu baahiyay bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in jabhaddu ay go’aansatay inay xabsiga kasii deyso 4208, kuwaas oo ay ku jiraan 401 haween ah.

Isku xiraha xarunta maxaabiista ee gobalka ninka lagu magacaabo Biirhaani Kibiidi ayaa sheegay in maxaabiista badankood lagu soo qab qabtay dagaallo ka dhacay goobo ka baxsan gobalka Tigree, halka kuwa kalena ay ahaayeen kuwa dagaalka lagu soo galiyay si xoog ah.

Qaraarkaan lagu sii daayay mabaaxiista ayaa yimid todobaadyo kadib wadahadallo dhex maray madaxda millatariga ee Jabhadda TPLF iyo kuwa xukuumadda Adis-Ababa, sida uu sheegay diblimaasi ajnabi ah oo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Waa markii labaad oo ay TPLF iclaamiso inay sii deyneyso maxaabiis dagaal, Bishii Julay ee sannadkii 2021-ka ayayna eheed markii kooxdu ay xurriyadooda dib usiisay 1000 askari oo katirsan ciidamada Itoobiya, sida lagu daawan karo muuqaal horey oo ay baahisay TPLF.

“Waxaa suurtagal ah in siidayntan ay astaan u tahay niyad wanaag iyo sidoo kale cunto yari ba’an oo ka jirta gobalka Tigray,” ayuu yiri William Davison, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan waxa loogu yeero kooxda xasaradaha caalamiga ah ee Ethiopia.

Bishii November ee sannadkii 2020-ka ayay eheed markii dagaallo sokooye oo qaraar ay ka bilawdeen dalka Itoobiya, kadib markii masuuliyiin katirsan xukuumadda Abey Axmed ay xoogaga TPLF ku eedeeyeen inay weeraro kusoo qaadeen fariisimo ay askartooda ku lahaayeen gobalka, dagaalkaas oo sababay dhimashada kumannaan ruux iyo barakaca malaayiin kale.

Qolyaha sheegta inay ka shaqeeyaan gar gaarka bani’aadannimada ayaa waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay go’doon kusoo rogeen gobalka Tigree, taas oo sabab u noqotay inay adkaato in wax gar gaar ah la gaarsiiyo halkaas, kaas oo ay dadku si aad ugu baahi qabeen, balse bilihii u dambeeyay ay Itoobiya qafiifisay go’doonka, taas oo saamaxday in ay wax uun gar gaar bani’aadannimada ah gaarsiiyaan gobalka Tigree.

Dhinaca kale Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in in ka badan 300 oo gaadiidka xamuulka qaada ah ay gar gaar bani aadannimo gaarsiiyeen gobalka Tigree muddo hal isbuuc gudihiis ah, taas oo ah middii ugu weyneed oo tan iyo sannad gudihiis ah lagu gaarsiiyo halkaas, oo ay xasaradu ba’an ka taagan yihiin.

Taqriir ibuucle ah oo kasoo baxa Qaramada Midoobey ayaa iyadoo la soo xiganayo qeybteeda gar gaarka bani’aadannimada waxaa lagu sheegay in 319 oo gaadiidka xamuulka qaada ah ay ka qeyb qaateen howlaha gar gaarka ah.

Taqriirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiid xamuul ah oo ka kooban 571 ay soo galeen caasimadda gobalka ee Maqalla, tan iyo markii culeyska go’doon laga qafiifiyay gobalka oo ku beegneed horraantii bishii April, kadib 3 bilood oo xiriir ah oo an halkaas galin wax gar gaar  bani aadannimo ah.

Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa intaas ku daray in ay jirto baahi loo qabo in kimiyo dheeri ah o gaareysa ugu yaraan 68-kun oo tan in la gaarsiiyo gobalka, si loo dhameystiro howlahooda, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo laga faa’iideyso abuurka maadaama ay dhawdahay xilligii waxbeerashada.

Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayuu xafiiska Qaramada Midoobey dusha kaga tuuray masuuliyadda is horistaagga in gar gaar bani aadannimo la gaarsiiyo gobalka Cafarta oo ay dagaallo culus ka socdaan, islamarkaana uusan halkaas ka jirin amni la isku halleyn karo.

Warbixinno hore oo soo baxay islamarkaana ay baahisay hayd’adda sheegata bad qabka cunnada aduunka ayaa lagu sheegay in 4.6 Milyan oo ruux oo ka dhigan 83 boqolkiiba dadweynaha gobolka oo qiyaastii lix milyan ah ay cuno yari hayso, halka laba milyanna ay la daalaa dhacayaan nafaqo-darro ba’an.

Sidaan aan horey usoo tilmaamnay, dagaalka gobalkaan ayaa qarxay bishii November ee sannadkii 2020-ka, xilligaas oo uu Abey Axmed Ra’iisal Wasaaraha dalkaas uu ciidamado udiray gobalka, si ay uga hortagaan naqaddumka jabhadda TPLF, ayna kusoo ceshadaan fariisimihii laga qabsaday askartiisa.

Jabhada Tigray-ga ee TPLF oo dalka Itoobiya ka talinaysay muddo ku dhow 30 sano ilaa Abiy Axmed uu xukunka qabtay 2018, ayaa muddo dhowr bilood ah dhigeysay dibad baxyo ballaaran oo ay kaga soo horjeedo xukuumadda Abey Axmed.

Qabsashadii gobalka Tigreega ka dib, ciidanka federaalka waxaa halkaas laga saaray bishii June sannadkii 2021, iyadoo weerar rogaal celis ah ay ku qaadeen xoogaga fallaagada, ayna ugu sii gudbeen deegaanada deriska ah, ka dibna u sii ruqaansadeen dhanka caasimadda Addis Ababa.

Balse horraantii bishii Desember ayay Jabhadda TPLF joojisay taqaddumkii ay waday, iyadoona isaga insixaabtay deegaanno badan oo dhaca gobalka Tigree, lkn waxay wali gumeysi ku heysataa deegaanno badan oo dhaca goballada Cafarta iyo Amxaarada.

Inkastoo ay tani umuuqato tallaabo horey loo qaaday sida ay aamin sanyihiin qaar kamid ah dadka ka foollooda arrimaha Itoobiya, haddana kama dhigna in lasoo afjaray colaaddii in muddo ah ka taagneed halkaas.

Hasa yeeshee waxaa soo baxaya islamarkaana sii xoogeysanaya cabsida laga qabo in dagaalo ay mar kale kasoo cusboonadaan gudaha dalka Itoobiya kadib hanjbadii dhawaan kasoo yeertay Jabhda hubeysan ee TPLF.

Guddoomiyaha wexey ugu yeeraan Aqalka sare ee dowlada Xabashida Itoobiya ninka lagu magacaabo Agenyahu Teshager oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee xukumada ayaa sheegay in Ururka TPLF ay isu diyaarinayaan inay mar kale dagaal kusoo qaadan Itoobiya inteeda kale.

Waxa uu sheegay dagaalka ay mar kale qorshayso Jabhda hubeysan ee Tigreega, ay ka dhigan tahay in aysan wali ka tanaasulin waxa uu ugu yeeray khaladaadkii ay horey u galeen isla markaana aysan rabin nabad ka dhacda gudaha itoobia hadii aysan iyagu talada dalka heynin.

Mas’uulkan wuxuu sidoo kale TPLF ku eedeeyay in ay wadaan olole ay ku dagaal galinayaan carruurta yaryar iyo dadka waayeelka ah ee ku dhaqan gobolka Tigray, wuxuuna waxa loogu ‘beesha caalamka’ ugu baaqay in ay wax ka qabato arrinka ay ku howlanyihin mucaaradka.

Dhinaca kale Ismaamulka Axmaarada ayaa lagu soo waramayaan inay heegan buuxa galiyeen laamaha Amniga ee gobolka, si looga har tago haddii ay weeraro soo qaadaan TPLF.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin TLPF oo xabsiga kasii deysay maxaabiis dagaal

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.