Faahafaahin Laga Helayo Duqeyn Lala Beegsaday Shisheeyaha Ku Sugan Sh/Dhexe.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar duqeyn ah oo xalay ciidamada Al-Shabaab ay ku garaaceen saldhig ay ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Shabeellaha Dhexe.
Jugta tiro madaafiic ah ayaa xalay laga maqlay gudaha saldhiga ciidanka Burundi ee deegaanka Biya-cadde ee gobalka Sh.Dhexe waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii ku sugneyd saldhigga la weeraray.
Inta la xaqiijiyay waxaa duqeynta ku nafwaayay 6 askari oo katirsan ciidanka Burundi, halkas sidoo kale ay ku dhaawacmeen 4 askari oo kale.
Duqeynta kadib ciidamada Burundi ayaa ku jawaabay madaafiic ay ku gaaraceen deegaanka, waxaana ku dhintay 2 qof oo isku qoys ah.
Weerarkaan ayaa sii kordhinaya khasaaraha ciidanka Burundi ku gaaray gobolka Shabeellaha Dhexe iyadoo wax ka yar 10 maalin laga joogo weerarkii culusaa ee cagta lagu mariyay saldhigga ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf, halkaas oo lagu laayay ku dhawaad 180 askari oo Burudheys ah.