Faahfaahin kasoo Baxaysa khasaare Ka Dhashay Weerar Saaka Ka Dhacay Gedo.
Tafaasil dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo iyo weerar dhabba-gal ah oo ay ciidamada Al-Shabaab saakay la beegsadeen kolonyo katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya.
Laba qarax iyo weerar toos ah ayaa lala eegtay kolonyadaan oo mareysay inta u dhaxeysa degmooyinka Doolow iyo Luuq gaar ahaan tuulada Shaatoolow, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray Xabashida.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan lagu dilay 5 askari oo katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya oo uu ku jiro sarkaal miino baare ah halka lagu dhaawacmay 8 askari oo kale.
Marka laga tago khasaaraha nafeed ee gaaray askarta Xabashida waxaa weerarkaan sidoo kale lagu burburiyay gaari kamid ah kolonyada la beegsaday, kaas oo uu haleeyay qarax culus.
Sida ay wararku tilmaamayaan waxaa goobta uu weerarka ka dhacay soo gaartay diyaarad Helikobtarka, tasoo halkaas ka daabushay askarta Xabashida ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weerarka.