Faahfaahin Kasoo Baxeysa Dagaal Saakay Ka Dhacay Sh-hoose.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab saakay ku qaadeen askar katirsan kuwa DF oo ku sugnaa meel u dhaw degmada Afgooye.

Mujaahidiinta ayaa weerar ku ekeeyay askar katirsan DF oo ku sugnaa buundada Bariire ee duleedka degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay 3 askari oo katirsan ciidankii ku sugnaa buundada ayaa lagu dilay weerarkaan, halka lagu dhaawacay mid kale.

Sidoo kale dagaal habeenkii xalay ka dhacay buundada degmada Jannaale ee gobalka Sh-hoose ayaa waxaa lagu dhaawacay askari lagu magacaabo Warsame.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.