Howlgallo khasaare culus ka dhashey Oo ka dhacay Gedo, Jubbooyinka iyo Bakool.

 

Wararka ka imaanaya wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa tilmaamaya in weerar culus lagu ekeeyey ciidamo katirsan kuwa Kenya oo isku dayay iney war ka qodaan deegaan 2km u jira deegaanka Kambooni ee dhaca xuduud beenaatka Soomaaliya iyo dhulka ay Kenya xooga ku heysato.

Ugu yaraan 2 nin oo Kenyaati ah, kana mid ahaa shaqaalaha qodayay warta ayaa ku naf waayay weerarka, sida ilo wareedyo muhiim ah ay inoo xaqiijyeen.

Dhanka kale ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa la kulmey weerar kamiin ah, kaasoo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Teed oo u dhow Xudur.

Weerar kale oo midkaas lamid ah waxaa gobolka Gedo gaar ahaan inta u dhexeysa Doolow iyo Luuq lagula beegsaday ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo halkaas safar ku marayay.

Deegaan lagu magacaabo Gedweyn ayuu ka dhacay weerarka, waxaana jira khasaare culus oo gaarey ciidamada Xabashida Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.