Howlgallo Saacadiihii Lasoo Dhaafay Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah Koonfurta Dalka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa 24-kii ee lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan oo isugu jira qaraxyo iqtiyaalaad iyo weeraro toos ah waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobollada Banaadir, Bakool iyo Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Hadaan ku horeyno gobolka Banaadir deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa ka dhacay shalay galab qarax lala beegsaday Mooto ay wateen askar katirsan ciidanka DF waxaana jira khasaare soo gaaray askarta uu haleelay qaraxa lagu weeraray.
Isla shalay galab howlgal gaar ah oo ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sh-Ibraahim ee duleedka Muqdisho waxaa lagu dhaawacay askari katirsan ciidanka dowladda Federalka.
Sidoo kale xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxay xalay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku khaarajiyeen askari katirsanaa ciidanka DF kaasoo la oran jiray Suudi.
Dhanka Bakool ciidamada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah iyo qaraxyo dhowr ah ku beegsaday ciidamo Xabashi ah oo dhaqdhaqaaqyo kawada qeybo kamid ah gobolkaas.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay dagaal culus waxay ku qaadeen goob ay ku hakadeen kolanyo xabashida Itoobiya ah halkaas oo ah duleedka degmada Rabdhuurre waxeyna kolanyada kusii jeedaan degmada Waajid.
Sidoo kale isla kolanyadan xalay dagaalka culus lagu qaaday ayaa shalay waxaa lala beegsaday labo qarax kuwaasi oo sababay khasaara soo gaartay xabashida Itoobiya.
Barqanimadii maanta ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar kamiin ah iyo qarax la beegsaday kolanyo ciidanka xabashida ah oo ku socdaaleysa wadada isku xirta degmooyinka Xudur Iyo Ceelbarde.
Sidoo kale warar goor dhow nasoo gaarana waxay sheegayaan in qarax culus inta u dhaxeeysa degmooyinka Waajid iyo Rabdhuure lagula beegsaday ciidamada Itoobiya oo halkaas ku socdaalayay waxaana jiro khasaare wallow aanan faahfaahin ka helin.
Ugu danbeyn Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay dagaal toos ah waxay ku qaadeen saldhiga askarta Kenya ee deegaanka Hoosingow, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.