Inkabadan 10 Askari Itoobiyaan ah Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Baay.
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay ciidamo Itoobiyaan ah oo maalintii afaraad ku safrayay wadada xiriirisa Buurhakaba iyo Baydhabo.
Ugu yaraan 4 askari oo Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxyo iyo kamaa’in saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay inta u dhexeysa Baydhabo iyo Buurhakaba.
Waxaa sidoo kale howlgalladan ku dhaawacmey 7 askari oo Itoobiyaan ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa inkabadan todobaad xiriir ah waxay isaga safrayaan wadada xiriirisa Baydhabo iyo Buur hakaba, ciidankii kasoo noqday Buur hakaba ayaana hadda kusii jeeda Baydhabo.