Madaxweynihii dalka Imaaraatka Carabta Oo Geeriyooday.
War kasoo baxay madaxtooyada dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu xaqiijiyay geerida madaxweynihii dalkaas ninka lagu magacaabo Khaliifa bin Zaayid.
Baroor diiq soconaya 40 maalin iyo in calanka dalka Imaaraatka Carabta hoos loo dhigo ayay go’aamisay dowladda Imaaraatka Carabta, iyadoo shaqooyinka dowladda iyo tan gaarka ah iyo xitaa waxbarashadana la joojiyay mudo 3 maalin ah.
2004-tii ayuu Khaliifa bin Zaayid wuxuu noqday madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta markii uu dhintay aabihii Zaayid. 2014-kii ayaa Khaliifa waxaa kusoo booday xanuun xaga wadnaha, isagoona shaqada dowladda u dhiibay walaalkiisa ka yar Muxamad bin Zaayid.