Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka George W.Bush Oo Ka Bad Baaday Isku Day Dil.
Madaxda FBI-da Mareykanka ayaa shaaciyay in Bush uu ka bad baaday weerar isku day dil ah, kaas oo uu qorsheynayay nin kasoo jeeda dalka Ciraaq.
Ruuxaan ayay FBI-du sheegtay inuu xiriir lasoo sameeyay madax katirsan federalka Mareykanka, islamarkaana uu isku dayay inuu sawirro ka qaado guriga Bush oo ku yaalla gobalka Texas.
Eedeysanaha ayaa doonayay inuu Mareykanka kusoo dhaweeyo koox kala qeyb qaadan rabtay fulinta weerarka, waxa uuna waddankas tagay sannadkii 2020-ka.
Mudadii taxqiiqa lagu waday ayuu Ciraaqigaan sheegay inuu aad udaneynayo dilka Bush, sababta uu ubeegsanayana ay tahay inuu dilay kumannaan ruux oo Ciraaqiyiin ah.
Waxa uu intaas ku daray in howshiisa aysan eheen oo kaliya qorsheynta weerarka, balse uu isagu qudhiisa ka qeyb qaadan rabay, wax muruga ahna aysan ku yeelaneyn inuu dhinto maadaama ay faan u noqoneyso ka qeyb qaadashada dilkiisa.