Mid Kamid Ah Musharaxiinta oo Ka Tanasulay Tartanka Madaxtinimada.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda DF, Maxamad Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu ka tanasulay tartanka madaxtinimada DF.
Wuxuu sheegay in shuruudaha lagu galayo tartanka qaarkood ay yihiin kuwa aan maslaxadda Soomaaliyeed ka tarjumeyn, gaar ahaan shuruuda lacagaha faraha badan looga qaadayo musharaxiinta taas oo gaareysa 40, 000 oo doolar.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa ayaa wuxuu ku sheegay inuusan heysan wixii u suura galin lahaa ol’olihiisa doorashada, wuxuuna yiri: “Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imaanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed waxay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse, waxaa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab istaagay ololihii aan ku jiray,” sidaasi waxaa ku nuuxnuuxsaday Maxamed Cabdirisaaq.
Maxamad Cabdirisaaq oo soo noqday wasiirka arrimaha Dibadda ee DF ayaa waxay bilihii ugu dambeeyay aad isku khilaafsanaayeen Farmaajo, oo uu ku eedeeyay inuu diiday diyaarad deeq dawo ah kasoo qaadeysay dalka Masar, kadib markii ay arrintaasi soo fartay dowladda Itoobiya.