Muqdisho oo Maanta Bandow Ah Doorashada Darteed!!

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta ah mid uu bandow saaran yahay lana xannibay dhaqdhaqaaqeedii dad weyne.

Waxaa gabi ahanaba istaagay gaadiidka dad weynaha iyadoo aan la aadin goobaha shaqada, wadooyinka waaweyn sida Wadnaha iyo Maka-Almukarrama ayaa haawanaya, waxaana lagu arkayaa oo kaliya ciidamo difaacyo ku jira.

Arrintan ayaa waxaa u sabab ah doorashada ka dhacaysa teendhada Afisyooni oo ku dhex taalla xerada Xalane ee magaalada Muqdosho. Teendhada iyo hareeraheeda ayaa waxaa laga mamnuucay ciidamada DF, waxaana jooga ciidano shisheeye.

Sida aan xogta ku heleyno, habeenkii xalay musharaxiintu ma aaney jiifsan iyagoo aad ugu mashquulsanaa la kulanka iyo kala jiidashada xildhibaada.

Xildhibaanada ayaa dhankooda waxay heleen lacago badan oo looga iibsanayo codadkooda, qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa lacago ka aruursaday musharaxiinta, musharaxiinta ayaa lacagaha ka soke ballan qaadyo u sameeyay xildhibaanada.

Illaa iyo hadda lama oga cidda ay dooranayaan, laakin afar musharax ayaa iyagu sheegay in la dooranayo kuwaasoo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Xassan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur iyo Shariif Sh/Axmad.

Xildhibaanad ayaa aaminsan in ay heleen fursaddoodii ugu ballaarnayd oo ay laaluush kaga qaadaan musharaxiinta 35ka gaaraya, waxaana halkudheggoodu uu yahay “lacagta qaado codka halka uu dooqaagu yahay ugu shub”

Ugu yaraan afar musharax oo bixiyay lacagta khudbad jeedinta oo ah 40,000 oo doolar ayaa saacadihii ugu dambeeyay shaaciyay iney doorashada isaga hareen kadib markii ay arkeen in laga lacag badan yahay islamarkaana aanu xildhibaan dooranaya.

Goobta doorashadu ka dhacayso ayaa waxaa xalay oo dhan baaritaano ka waday ciidamo ka socda shirkado amni oo ajnabi ah kana mid yihiin kuwa ka yimid magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Illinka teendhada Afisyooni waxaa la geeyay Eeyo badan oo baaraya xildhibaanada iyo musharaxiinta, maadaama goobta ay tagayaan ergooyin ajnabi ah oo u badan kuwa reer galbeedka.

Bulshada magaalada Muqdisho ayaa waxaa afar sannadood oo kasta lagu dul qabtaa doorasho iyadoo nidaamkii ka dhashana ay kala kulmaan dhibaato iyo canshuur uu badiilkeedu yahay dil iyo dhac.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.