Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac ay Noqdeen Askarta DF Oo Ka Dhacay Gobolka Gedo.
Qarax oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaaray askartii lala beegsaday.
Sida ay xaqiijiyeen ilo mas’uul ah waxaa qaraxa ku nafwaayay 2 askari oo katirsan ciidanka DF halka 2 kalena ay si xun ugu dhaawacmeen.
Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mus’uuliyadda qaraxaan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidanka DF.