Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Degmada Balcad.

Qarax ayaa maanta ka dhacay meel isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maamulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in jugta qaraxa aad loo maqlayay uuna sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ay geysatay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay 1 askari iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 ka tirsan maamulka iyo saraakiisha degmada.

Kadib xiriirro aan sameynay, waxaa inoo suura gashay inaan helno magacyada xubnaha dhaawacmay, waxaana kamid ah Axmadeey Wadaad oo ah Guddoomiyaha Maxkamada degmada iyo Taliyaha ciidanka Birmadka ee degmada Balcad Xuseen Xassan Moolgale.

Ninka 3-aad ee qaraxa ku dhaawacmay waa Taliye ku xigeenka maleeshiyaatka Birmadka degmada Balcad oo lagu magacaabo Cabdi Cali Ciise.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab la wareegeen gacan ku heynta degaanka Haan-sheekh oo u dhow degmada Balcad kadib markii ay halkaasi isaga carareen ciidanka Burundi oo muddo heystay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.