Qaraxyo Ka Dhacay Gobollada Shabeellooyinka Oo Khasaare Dhaliyay.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta qaraxyo dhowr ah oo khasaare lagu gaarsiiyay xubno katirsan DF waxay siyaabo kala duwan uga fuliyeen deegaano dhaca gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Degmada Janaale ee Shabeellaha Hoose waxaa maanta ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday ciidamo katirsan DF, waxaana wararka hordhaca ah ee laga helayo qaraxaas ay xaqiijinayaan inuu ku dhaawacay taliyaha booliska DF ee degmadaas.
Isla Shabeellaha Hoose waxaa qarax lagu weeraray askar katirsan DF oo sugnaa isbaaro u taalla buundada deegaanka Dalbiyaanka ee hoostaga degmada Qoryooley waxaana jira khasaare ka dhashay qaraxaasi.
Sidoo kale wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamaya in ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidanka DF lagu kharaajiyay, 2 kalena lagu dhaawacay qarax ka dhacay deegaanka Buurane ee gobalkaas
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah oo ay ciidamada Al-Shabaab ku beegsadaan shisheeyaha iyo askarta Soomaalida ee la shaqeysa.