Ruushka Oo Korontada Iyo Gaaska Ka Jaray Dowladda Fiinland
Ruushka ayaa durba tallaabo ka qaaday Finland, kadib markii ay iclaamisay inay ku biireyso ururka NATO.
Sarkaal ka tirsan Wakaaladda Korontada Finland oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in Ruushka uu hakiyey korontadii uu siin jirey Finland habeenimadii xalay, kaddib markii shirkaddeeda tamarta ee RAO Nordic ay ku hanjabtey inay jareyso sahayda arrin ku saabsan bixinta qaan lagu lahaa.
Sarkaalkaan ayaa intaas ku daray in xilligaan aysan heysan wax koronto ah oo kaga yimaada dalka Ruushka, arrintaasna ay soo billaabatay saqdii dhexe ee xalay.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Moscow, Ruushka ayaa sidoo gaaska ka jaray dowladda Fiinland, horey ayuuna sidaan oo kale gaaska kaga jartay dalalka Poland iyo Bulgaria dabayaaqadii bishii Abriil.
Madax iyo wasiirro katirsan Finland sida kan difaaca ayaa waxay sheegeen inay ka baaran dageen khatar kasta oo kaga imaan karta Ruushka, tallaaboyinka uu qaadayana ay uheestaan badiil, sidaa darteedna aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dalkooda.
Tallaabadaan oo uu Ruushku qaaday ayaa kusoo aadaysa waxyar un kadib markii dowladda Finland ay sheegtay inay ku biireyso ururka NATO.
Ruushka ayaa xoog ku heysta 10% dhulka Finland, waxaana dhul dhirirsan 1,300-KM uu Finland la wadaagaa Ruushka, lamana oga tallaabiiyinka xiga arrintaan oo ay qaadi doonto xukuumadda Moscow.