Saraakiil Katirsan Nidaamka Nuseryriyada Ee Bashaar Al-Aasad Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Suuriya.
Habeennimadii xalay diyaaradaha maamulka Yuhuudda ayaa duqeymo culus la beegsaday askar katirsan nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad, kuwaas oo ku sugnaa deegaanno dhaca caasimadda Suuriya.
Duqeyntaan oo si gaar ah loola beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Nidaamka Nuseyriga ah ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray askartaas.
Ugu yaraan 3 sarkaal oo katirsan ciidamadaas ayaa lagu dilay duqeyntaan lala beegsaday fariismaha ay ku lahaayeen deegaannada dhaca magaalada Dimishiq oo ah caasimadda dalkaas.
Warbaahin kasoo baxda Suuriya ayaa waxay sheegtay in duqmeymahaan ay si gaar ah kaga dheceen hareeraha garoonka diyaaradaha ee caasimadda, iyo xaafado kale oo katirsan magaalada halkaas oo ay ku sugnaayeen millatariga Nuseyriyada.
War kasoo baxay wakaaladda wararka Saana oo ah midda wax ufaafisay nimaadamka Bashaar Al-Asad ayaa lagu sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Dimishiq, ayna difaacooda cirka ka hor tageen weerarka.
Tiro gantaallo ah ayay wakaaladdu sheegtay in nidaamka difaaca hawada ay soo rideen, balse kama hadal khasaarahaan lagu gaarsiiyay duqeyntii ay Yuhuudda la beegsadeen askartooda.
Sidoo kale waxaa jira duqeynmo iyagana ka dhaca baadiyaha Dar-Duus iyo Xalab oo dhaca bartamaha iyo bariga dalka Suuriya, walow aan laga heynin wax faahfaahin ah.
Maamulka Yuhuudda ayaa muddo sanada ah wada duqeymo culus oo ka dhan ah ciidamada Nuseyriyada Bashaar Al-Asad, kuwaas oo khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyo askartaas.