Waa Maxay Sababta Ay Qowmiyadda Tigre Hambalyada Xassan Sheekh Ugala Soo Hormartay Abiy.

Kooxda u dagaalanta qowmiyadda Tgre ee TPLF ayaa safka hore ka gashay dhinacyada usoo hambalyeeyay Xassan Sheekh kadib markii loo doortay madaxweynaha DF iyadoo arrintan siyaabo kala duwan looga hadlayo. Dhambaalkooda hambalyada oo ahaa mid dheer ayaa waxay ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inuu kursiga madaxtooyada kusoo laabto Xassan Sheekh oo ay saaxiibo wada ahaayeen afartii sano ee hore ee uu madaxweynaha ahaa.

Waxay ugu baaqeen in madaxweynahan uu wax ka badalo siyaasadda geeska Afrika iyagoo dhanka kale dhalleeceeyay Farmaajo, waxay ishaareen in Xassan Sheekh uusan halkiisii kasii wadin heshiisyadii isbahaysi ku sheegga ahaa ee ka dhaxeeyay Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki.

Tigre ayaa xilligii ay Itoobiya maamulayeen ku guuleystay iney Xassan Sheekh geeyaan Jigjiga kana yeersiiyaan inuu Soomaaligalbeed ku tilmaamo dhul Xabashidu leedahay, waxayna saaxiibo dhow ahaayeen Gabre.

Hambalyada TPLF oo ahayd mid degdeg ah ayaa sababtay in Abiy Axmed, ra’iisulwasaaraha Itoobiya uu si kooban ugu soo hambalyeeyo Xassan Sheekh. Abiy Axmed ayaa jeclaa inuu soo boxo Farmaajo, laakin siyaasiyiintu waxay sheegayaan in aysan u kala sokeyn Xassan iyo Farmaajo uuna awoodo inuu madaxweyne walba ka saxiixdo wixii uu doono.

Dib udoorashadii Xassan Sheekh waxay meesha ka saartay isbahaysigii dowladda Qadar waxaana kaalinteedii soo galay Imaaraatka Carabta oo la sheegayo iney wax ka bixiyeen lacagihii uu kusoo baxay Xassan, waxaana xusid mudan in Imaaraatka iyo Itoobiya ay saaxiibo ku yihiin wax badan oo kamid ah boobka dhaqaalaha Soomaaliya iyo jahwareerinta jawiga siyaasadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.