Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Mareykanka Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Jarmalka

Antony Bilinken oo ah Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku tagay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Xoghayaha ayaa lagu soo waramayaa in uu halkaas kulan kula qaadan doono wasiirrada arrimaha dibadda ee gaashaanbuurta NATO.

Bilinken ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in kulanka looga wada hadli doono arrimaha NATO iyo tallaabada loo baahan yahay inay joogteeyaan si loola tacaalo waxa uu ugu yeeray daan-daansiga gar-darrada ah ee uu Ruushku ku hayo Ukraine

Qorshaha ay dowladaha Finland iyo Sweden ku doonayaan inay ugu biirayaan gaashaanbuurta NATO ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa kulanka.

Waxaa intaas dheer in isbahaysiga millatari ee NATO uu ka baaraan dagayo sida uu ugarab u siin karo Ukraine, isagoo aan ku milmin dagaalka Ruushka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.