4 Qof Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Toogasho Ka Dhacay Dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalkaas uu dhacay weerar toogasho ah oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 1 ruux  oo Ameerikaan ah ayaa ku dhintay 3 kalena waa ay ku dhaawacneen toogasho ka dhacay bartamaha magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka.

Duqa magaalada Washington Muriel Bowser ayaa sheegay in wiil dhalinyaro ah lagu dilay 3 qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ahna lagu dhaawacay weerarkaan oo si gaar ah  ka dhacay waddo ku taalla bartamaha magaalada halkaas oo uu ka socday isu soo bax damaashaad ah.

Sarkaal katirsan Booliska Washington ayaa ku waramay in dhacdadaan ay timid kadib markii murun uu soo kala dhexgalay dad dhowr boqol oo qof ah oo ka qayb-galayay kulan aan la ogolayn, taasna ay sababtay isku dhacyo u dhaeeyay dadkii goobta ku sugnaa, oo mid ka mid ah uu adeegsaday hub.

Maamulka magaalada Washington ayaa sheegay in dowladda hoose aysan si sax ah u agaasimin isku imaatinkaan oo lagu xusayay ciribtirka addoonsiga ee Mareykanka, isagoo ku baaqay in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah waxa ka dhacay goobtaas.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa si joogta ah kaga dhaca toogasho wadareedyo khasaare badan u geystay dadka Ameerikaan ah, iyadoona dowladda dalkaas ay ku fashilantay inay wax ka qabo falalka amni daro ee ku sii baayahay gudaha dalkeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.