Video+ Sawirro: Al-Shabaab oo 15 Ka Tirsan Ciidanka Danab Ku Dilay Sh/Dhexe.
Ciidamada Xarakada Mujaahaidiinta Al-Shabaab ee ka hawlgala wilaayada Shabeelaha dhexe ayaa xalay weerar khasaare badan dhaliyay la beegsaday gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamo Ameerikaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo ay iyagu khaas u leeyihiin oo la yiraahdo Bankaraf.
Kolonyada ayaa waxaa lagu helay duleedka degmada Balcad, iyadoo qarax lagu gubay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen oo sida aan xogta ku heleyno noociisu yahay Cabdibile. Qaraxa ayaa burbur iyo gubasho u geystay gaariga waxaana halkaasi ku dhintay 15 askari oo Bankaraf ah.
Ciidamadii isgaashaanbuursanayay oo markii hore kasoo ambabaxay Muqdisho islamarkaana hadafkoodu ahaa iney gaaraan magaalada Jowhar ayaa awoodi waayay iney safarkooda sii wataan waxaana ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.
Kolanyadan ayaa markii ay labaanayeen waxey fureen rasaas fara badan taasi oo sababtay dhaawaca 3 ruux shacab ah oo ka mid ahaa beeraleyda iyo xoola dhaqatada ku nool duleedka degmada Balcad.
Sidoo kale waxay goobta uga carareen gaarigii Cabdibilaha ahaa ee laga qarxiyay kaasoo ay qalfooftiisu taallo halkii lagu beegsaday sida ay inoo sheegeen goob joogayaan degaan ah oo codsaday inaan magacooda la shaacin sababo la xariira ammaankooda.
Dowladda Federaalka ayaa ciidanka Bankaraf ee Mareykanka ugu yeertay magaca Danab, waana ciidan u daacad ah shisheeyaha, waxyaabaha ay qabtaan waxaa kamid ah in Doofaarro dibadda laga keenay loo soo dhiibo oo ay geeyeen dhulka tacabku ku badan yahay, si ay beeraha u wax yeelleeyaan.
HOOS KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO