Baarlamaanka Muqdosho oo Kalsooni Siiyay Ra’iisulwasaare Xamsa.

Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta xaruntooda magaalada Muqdisho codka kalsoonida ah ku siiyay Ra’iisulwasaaraha DF, Xassan Cabdi Barre oo uu todobaad ka hor magacaabay Xassan Sheekh.

Dhamaan Xildhibaanadu waxay codkooda siiyeen Xamsa, mana jirin Xildhibaan diiday ama mid ka aamusay, waxaana arrintan farxad weyn ka muujiyay Ra’iisulwasaaraha oo lagu wado in wixii xilligan ka dambeeya uu soo dhiso goliiisa wasiirada.

Sida xogta lagu helayo, in badan oo kamid ah golaha wasiirada waxa uu kasoo dhex xulan doonaa Baarlamaanka, waxaana jira gorgortan xooggan oo ay Xassan Sheekh la galayaan maamul goboleedyada.

Maamulka Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyay shaaciyay hadal goodi ah oo ku socda Xassan Sheekh, iyagoo sheegay ineysan cidna ka oggolaan doonin wixii ay ka diideen Farmaajo, warkaas ayaa waxaa meel fagaare ah ka sheegay Wasiirka Tamarta oo lagu magacaabo Carshe Siciid.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.