Ceelbaraf iyo Ciidamadii Burundi qaybta 2 aad (Dhegeysi iyo Sawiro)
intii nala socatay waxaanu horay u baahinay qaybta koowaad ee barnmaaij tixane ah oo ciwaankiisu yahay Ceel baraf iyo Ciidamada Burundi.
Barnaamijkaan oo aanu ceel baraf ka soo diyaarinay wuxuu uu ku saabsan yahay weerar xarakada shabaabul Mujaahidiin ku xasuuqday qaarka mid ahaa Ciidamada Burundi oo halkaa fariisimo ku lahaa iyo isbedelka deegaanka iminka ka jira iyo aragtida bulshada ku nool.
qaybtaan labaad ee Barnaamijyakaan waxaanu ku eegeynaa dhibaatooyin Ciidamada Burundi ay geysteen mar ay laba todobaad kadib ku soo noqdeen Ceel baraf xilli ay baadi goobayeen meydadka saaxiibadood.
Barnaamijka waxaa soo jeedinaya cabdulaahi soomaali
Halkaan ka dhegeyso Barnaamijka Ceel Baraf iyo Ciidamadii Burundi qaybta 2 aad