Ciidamada ATMIS Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho Iyo Arday La Rasaaseeyay.

Kolonyadan cadowga ah ayaa isku dayey inay socodkooda sii wataan balse waxa is hortaag ku sameeyey dad shacab ah oo goobta ku sugnaa, waxana sawiro lagu baahiyey baraha bulshada ay muujinayey in si qasab ah lagu joojiyey kolonyadaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in kolonyada gaadiidka ah ay si ulakac ah ujiireen qof shacab ah islamarkaana uu goobta ku dhintay, ciidamada Afrikaanta ayaa isku dayay in ay socodkooda iskasii wataan balse dad shacab ah ayaa is hortaag ku sameeyay.