Dhageyso: Qoraa American Ah Oo Maqaal Uu Qoray Ka Hadlay Dhibaatada Heysata Dowladda Mareykanka

Kiris Hedge waa qoraa caan ah oo kasoo jeeda dalka Mareykanka, sidoo kalena iska leh buugaag dhowr ah oo lagu iibiyo Maktabadaha waaweyn ee dunida, dhawaan ayuu maqaal ka qoray xaalka sii hoobanaya ee dalka Mareykanka, isagoo tilmaamay inaanu jirin wax xal ah oo ay ka keeneen dagaaladi ay caalamka ka waden dhowr iyo labaatanki sano ee lasoo dhaafay.

Gundhiga warbixinta ayuu ku yiri, dagaaladu waa ay burburiyan wadamada, waxa ayna bulshada ku tuuraan boholo waaweyn oo aysan kasoo kabsan Karin, taas oo sameyn ku yeelata dhaqanka bulshada, siyaasada, dhaqaalaha iyo ciidanka, wuxuuna intaas ku daray, in ay xusid mudan thy, in dagaal kasta oo ay gasho xukumada Washington ay ka dhigan thy, Musmaar hor leh oo lagu kawinayo Naxashka Nabada ee dadka American-ka ah.

Sida ku cad xog aruurinada la hayo, Mareykanka wuxuu dagaalka Ukraine ku bixiyey in ka badan 40 billion oo dollar, dadkiisana waxa ay dhex dabaalanayaan dagaal aan dhamaad laheyn, xilli America aysan laheyn Tarenada casriga ah ee dheereeya, Caafimaad free ah oo ka dhexeyo bulshada, sidoo kalena aanu jirin barnamij gargaar oo loo fidinayo dadka malaayiinta ah ee la daala dhacayo cudurka Covid 19, taas oo ay sii dheer thy sicir bararka ka jiro wadankaasi.

Qoraaga maqaalka oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri, In muda ah Xukumada Washington ma sameyn wax dayactir, dariiqyadu waa ay burbursan yihin, buundooyinkana waa ay dumi rabaan, dib u hagajintoodana waxa ay u baahan thy  lacag dhan ilaa 61 billion oo dollar, si wax looga qabto in ka badan 43,586 buundo oo burbur qarka u saran, kuwaas oo ay da’dooda kor u dhaaftay ilaa 68 sano, taas oo ka dhigan inay dayactir degdeg ah u baahan yihin, hadii aan wax laga qabana ay sababi doonaan, dhibaato soo gaara bulshada ku dhaqan dalkaasi.

Intaas oo kaliya kuma sina dhibaatada, balse waxaa jiro lacag dhan 1.7 trillion oo dollar oo lagu leeyahay ardayda wax ka barato jaamacahada iyo iskuulada, kuwaas oo aysan wax cafis ah u sameyn dowlada dhexe, halka ay dhibato kale ka taagan thy mishear bixinta, waxaana hubaal ah buu yiri inay jiraan 17 million oo caruur ah oo haben kasto gaajo la seexda, kuwaas oo ay dayacday dowladooda, aysana jirin wax gurmad ah oo ay u fidisay.

Ijaarka guryaha ayaa kamid ah wax yaabaha ay ka cabanayaan dadka American-ka ah, kaas oo saacadiiba kor u dhaafaya ilaa 15 dollar, madaxda American-ka ah ayuuna qoraagu ku eedeynayaa inaysan wax ka qaban dhibaatadan oo soo jirtay 44 sano, halka Gaaska la shitana uu yhy dhibaato kale, maadama laga baqayo in 5ti litter ay dhawaan gaarto ilaa lix dollar oo ah lacagta Mareykanka.

Dilka joogtada ah ee lagu beegsanayo goobaha waxbarashada iyo hubka faraha badan ee kujirto gacanta shacabku malahan xisaab, sidoo kalena ma jiro qorshe wax looga qabnayo, dadka faraha badan ee u dhimanaya maandooriyaha, kuwaas oo sanad kasta la diiwaan galiyo inay ka dhinten wax ka badan 100kun oo ruux, sababo la xiriira maandooriyaha oo ay si qaldan u isticmaaleen.

Dagaaladii ay reer galbeedku abuurayen wixii ka danbeyey dagaalki labaad ee dunida ayuu Hedges sheegay inay burburiyen dhaqalaha dalkiisa, ayna Kiciyen bulshada, halka ay dhulka ku daren lacago gaaraya dhowr trillion oo dollar, taas oo ka badan wax soo saarka guud ee dalka Mareykanka oo lagu qiyaaso ilaa 24 trillion oo dollar, arintan ayaana ka dhigan ina deynta dalkiisa lagu yeesho sanad kasta ay gaareyso ilaa 300million oo dollar, wuxuuna intaas ku daraya in shacabku ay wazarada difaaca ku bixiyaan sanad kasta lacag dhan ilaa 813 billion oo dollar, dhaqaalahaas faraha badan oo aan ku bixin 9ka dowlad ee ugu waweyn dunida, sida Shiinaha Ruushka, Ingriska, faransiiska iyo kuwa lamid ah.

Anaga ahaan hadii aan nahay bulshada, waxaan bixineyna Taklufo weyn oo ah dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha, sababtuna waxa ay thy buu yiri dikteetarnimada ciidan ee kujirto maxadaxda dowlada, isagoo farta ku fiiqay in Washington ay il bidix ah ku eegeyso burburka akhlaqed, midka siyaasaded, midka dhaqale iyo kan bulsho ee ku soconaya dadka Americanka ah, xilli dowladaha Ruushka, Shiinaha, Sucudiga, Hindiya iyo dalal kale ay ka faaideysanayan dollar-ka faraha badan ee la daabacayo sanad kasta, iyagoo isticmalaya hanaanka loo yaqaan Swift ee ay adegsadan bangiyada caalamka, inkastoo ruushka dhawaan laga saaray.

Dadalka ay ku jirto wazarada maaliyada ee xukumada Washington ayaa ah, in lacagta Mareykanka ay noqoto keydka ugu weyn dunida, arinkaas oo aysan wax faaido ah ku jirin sida uu ku doodayo kiris Hedge, sababtoo ah wuxuu so dadajinayaa burburka dhaqalaha gudaha ee dalkiisa, wuxuuna Mareykanka ku qasbi doona inay mustaqbalka albabada isugu dhuftaan, ilaa 800 oo saldhig oo ay kukala leeyihin daafaha dunida, talabadas ayaana ka dhigan burburka imbaradoriyada Washington, taas oo calankeeda uusii liicayo waqtigan la joogo.

Muhiim ma ahan buu leeyahay Kiris inaad tahy Dimuquradi Ama Jamhuuri, waayo dagaalku waa waxa ay ku dhisan thy dowlada Mareykanka, dhaqaalaha faraha badan ee ku baxaya ciidankana waxaa lagu baneysanayaa, waxa loogu yeero amniga qowmiga ah, iyadoo ay dhanka kale xusid mudan thy in 40ka billion ee loogu deeqay Ukraine badankeed uu aadi doono shirkadaha sameyo hubka ee kala ah, Raython technology, General Dynamics, Northrop Grumman, BAE Systems, Lockhed Martin iyo Boeing,  tanina waxa ay ka dhigan thy in wali la taagan yhy bilowga dagaalka, maxaa yeelay 4 ilaa 5 billion oo dollar ayay shirkadahan gacanta ku dhigi doonan bil kasta, taas oo loogu deeqay Ukraine, xilli shacabka hoose ee dalkiisa ay wajahayan nolol adag, jiritankoodana uu halisa ku jiro, balse arintaasi xisaab malahan, sida ay ku doodayan dadka ku takhasusay arimaha ciidanka.

Miizaniyada dhaqalaha ee lagu bixiyo hey’ada CDC ee qaabilsan ka hortaga cudurada faafa ayaa sanadki lasoo dhaafay gaaray halki ugu sareysay, waxaana lagu bixiyey lacag dhan ilaa 11 billion oo dollar, halka hey’ada EPA ee qaabilsan ilaalinta bey’adana ay ku baxday lacag dhan 12 billion oo dollar, siyaasiyinta qaar ayaana wax lala yaabo ku tilmaamay in Ukraine loogu deeqay laba u jibaar lacagtaasi, iyadoo qaanada hoose ee dowlada la galiyey halista ay wajahayan dadka American-ka ah, Madaxweyne Biden ayuuna qoraagu ku eedeynayaa in waxa kaliya ee uu kafiriyaa ay thy dagaalka, ishana uu ka daawanayo intixaarka ama is daldalada cad ee ku soconayo  shacabka dalkiisa.

Marka aad fiiriso siyaasada gudaha ee dalka, qoraga ayaa sheegaya inuusan jirin waqtigan, xubno katirsan axzabta mucaradka oo kazoo horjeedo fuuq baxa dhaqale, wuxuuna tusale usoo qaatay, dadki ugu caansana ee ku caan baxay mucaaradnimada, sida senator, John Macgren, senator Yochin Macarthe, iyo Senator William Folbert, kaas oo qoray kitaabka lagu magacabo Probagandada Pentagon-ka, dhaman dadkan ayaana noqday aqaliyad yar yar oo aan ka dhex muuqan bulshada, taas  oo ay sii dhertahay Senataradi la oran jiray Barbara Lii ee sida cad kaga hor timid in duulaan lagu qaado dalalka Afghanistan iyo Ciraq, waxaana taas ka danbeysay Ilhan Omar oo dagaal la gashay Donald Trump, balse wax faaido ah lagama keenin mucaaradnimadooda, oo aan ka aheyn inay ahaayen dad fahmay inay jirto dictatornimo ciidan oo aan xad laheyn, wuxuna kursi jaceylka ku shegaya cudur dilaa ah oo ku habsaday Axzabta ka jirto dalka Mareykkanka.

Waqtigan la joogo malahan wax mucarad ah oo ka hadlaya dagaalka sii daba dheeraday ee ay Washington kaga jirto dunida, sababto ah siyaasiyinta waxaa iibsaday shirkadaha waaweyn ee ganacsiga, gaar ahaana kuwa iibiyo hubka, si gaar ahna qandaraslayasha ciidan ee heshisyada kula jiro dowlada, xilli warbahintana ay noqotay mid loo adegsado xayeysinta dagalada, madamada intooda badan ay taageero ka helaan axzabta garabka midig, kaas oo siiya lacago fara badan oo aan xad laheyn, si ay usii huriyan colada, KIRIS Hedge ayaana tusaale usoo qaadanaya, hadal uu dhawan daabacay wargeyska Foreign affairs ee ka faalooda arimaha dagalka, kaas oo Biden ugu baaqayey inuu fangareyo mashruuc xayeysiin ah oo loo sameynayo Pentagon-ka, si bulshada loogu qanciyo in Mareykanka ay awood u leeyihin, burburinta Marakibta shiinaha ee kusugan xeebaha bari ee wadankaasi, muda ka yar 72 saacadood,  waa hadii ay Beijing isku daydo inay dulan kusoo qaado dalka Taiwan ee lagu muransan yhy madax banaanidiisa.

Qoraga warbixinta ayaa yiri, Ka American ahaan, mushkilad kasta waxaa rabnaa inaan ku xalino awood, xal kasta oo lasoo bandhigana waxa uu yhy mid ciidan, taasina waxa ay ka dhigan thy mugaamaro joogta ah oo aan dhex maquuraneyno,  sida guul daradii nagasoo raacday dalka Vitnam, 8 trillion oo dollar oo lagu bixiyey dagaalka ciyaarta ah ee ka soconaya bariga dhexe, waxana doqon ah buu yiri, qofka mooda in cunaqabateynta Mareykanka ee la dul dhigay Ruushka ay cuuryaamin karto xukumada Moscow ee qaniga ku ah gaaska dabiiciga ah, dahabka, naftada, iyo maadooyin kale oo baahi weyn loo qabo, taas oo sidoo kale aan hanjabad waxba looga qaadi Karin, waxaana hubaal ah buu yiri, in Moscow ay la midoobi doonto xukumada Beijing, ayna iska kaashan doonan dhaqalaha iyo ciidanka, talabadan ayaana dhabar jab ku noqon doonta madaxda aqalka cad, maadama ay u midoobeen labada awood ee kusoo xiga xaga ciidanka, dhaqalaha iyo dhinac kasta.

Madaxda aqalka cad waxa ay ku jiraan riyo waali ah, sababtoo ah dabaqada siyaasada waxa ay iska fogeyeen waaqica dhabta ah, awoodna uma lahan inay badbadiyan bulshada iyo dhaqalaheda, kaliyana waxa ay ka fikirayan sidii ay dhulka ugu dari lahayen dowladaha loolanka kula jiro iyo shucubtooda, si gaar ahna ruusha iyo shiinaha, waxaana iska cad ayuu leeyahy Hedges, in xitaa hadii Ruushka la jabiyo ciidan ahaan, Washington ay u jiheysan doonto cadawga weyn ee ay ku leedahay badaha Hinidya iyo pacific, kuwaas oo Hellary Clinton ay ugu magac dartay Bada Mareykanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu leeyahay, suurta gal ma ahan in dagaal laga hadlo iyadoo aan lasoo hadal qaadeyn saameynta dhaqaale ee suuqyada, wuxuuna tusaale usoo qaatay hoos u dhaca wax soos aarka Mareykanka oo sanadki lasoo dhaafay laga daremay gaabis weyn, ilaa markii danbe la shaaciyey in wax soo saarka suuqyada Mareykanka uu hoos u dhacay %2, halka shiinahana uu sameyey koror dhaqaale oo gaaraya %8.1, is barbar dhiga arintan ayaana kuu muujinaya heerka lakala taagan yhy, inkastoo hadii uu mareykanka ku guuleysto inuu dalalka Yurub ka jaro shidaalka dowlada Shiinaha ay dalalkani ku qasbanan doonaan inay u jiheystan dhanka Washington, hadana waxaa xaqiiq ah in xizbiga shuuciga ah ee kajiro shiinaha uu qaadan doono kaalintiisa, uuna dhaqale ahaan kaga faaideysan doono, cunaqabateynta lagu sameyey dalka RUushka.

Waayadan danbe waxaa la arkayey in Washington ay dadal naf la caarinimo ah ugu jirto soo dhisida isbaheysiyo ciidan iyo kuwa dhaqaale, si looga hortago awooda ciidan iyo tan dhaqale ee shiinaha ee soo kobceysa, taas oo khubaradu ay shegayan in marka la gaaro sanadka 2028ka ka sara mari doonto dhaqalaha mareykanka, sida ku cad warbixin uu dhawan daabacay markazka CEBR ee fadhigisu yhy dalka Ingiriska, booqashadi Biden ee qaarada Asia, ayaana ka dhigneyd fariin ku socota xukumada Beijing, inkastoo madaxweynaha shiinaha uusan dhagna jalaq u siinin.

Warbixinta qoraagaan waxa ay aheyd mid dheer, wuxuuna kaga faaloonayey dhamanba marxaladihi ay soo martay awoda mareykanka iyo heerka ay manta joogto, isagoo waaqica taagan hada ku xirayey wixii lasoo maray, waxana xusid mudan in gabi ahaanteedba ay thy calacal bananka yaala, iyo quus ay dadka American-ka ah ka taagan yihin, dagalada ay hurineyso dowladooda.

Mar uu ka hadlayey safka ciidanka ayuu yiri, inta badan military-ga waxaa laga qoraa dadka soo galootiga ah iyo dabaqada hoose ee bulshada, sababtoo ah ma jiraan ayuu yiri wax niyad ah oo ay dabaqada sare u hayaan ka qeyb galka dagaalka, maadama aysan jirin qanaco dhab ah oo kazoo go,day laabta, wax ka yar %7 oo u badan sarakil aan dhaafin saldhiyada ayaana ah kazoo jeeda buu yiri American-ka dhaladka ah, dagaalka ay Washington kaga jirto caalamka ayaana u muuqaal eg dagaal wakaladed, maadama dadka lagu hurinayaa ay yihin soo galootiga wadankaasi.

Qoraa kale oo lagu magacabo Anduru Basifej, horeyna usoo noqday sarkaal ciidan ayaa qoray, kitaab loogu magac daray Kaalinta uu Mareykanka ku leeyahay isbadalka dunida, wuxuuna gundhiga kitaabkiisa ku yiri, Muskhilada ay leeyihin dagaalada badan iyo ciidanka yar, waa inaanu jirin isla xisaabtan dhab ah, isagoo tilmaamay in Technology-ada ay meesha ka saartay su,aalo badan oo muhim ah, sida in la isweydiyo Mareykanka ma heysta awood ciidan oo ay qirayan lidkeeda, inaan tarikhda looga maarmin? Hadii ay jawabtu thy Maya, sida ku cad dagaaladi dhacay wixii ka danbeyey 11ki Sept sanadki 2001da, miyaaney habooneyn inay Washington hoos u dhigto hanqal taaga ay ugu jirto gacan ku heynta siyaasada caalamka, ayna ka fikirto mustaqbalka madow ee sugaya Malayinta American-ka ah.

Hadalka kaatibkan ayaa kusoo aadaya, Maalin kadib marki uu madaxweynaha ruushka la hadlay warbahinta, kaas oojeediyey khudbad socotay 73 daqiiqo, taas oo uu kaga hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto reer galbeedka, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay, in Zamanki aduunka laga maamuli jiray halka dhinac uu dhamaday, aduunkana uu cagta saaray dhabihi is badalka, arintaas oo ay sii dheertahy in Putin uu si cad u shegay in reer Yurub ay waayeen madax banaanidi ay lahaayeen, cida uu dagaalka kala dhexeeyaana ay thy dowlada Mareykanka.

Iskusoo wada duubo, Taasi waxa ay aheyd warbixintii uu qoray Kiris Hedge ee lagu faafiyey baraha internetka, maqaalka ninkaan ayaana aad loo hadal hayey maalmihi lasoo dhaafay, inkastoo aan kazoo qaadanay meelaha ugu muhiimsan, maadama uu ka hadlayey arimo fara badan, kuwaas oo aysan faaido weyn xambarsaneyn sheegistooda, muhiimada laga qaadanayo ayaana ah, in Mareykanka uu cagta saaray dhabihi burburka, aysana jirin qaab uu kagasoo laaban karo oo aan ka aheyn, inuu ka joogsado colaada uu ka hurinayo caalamka, arinkaas oo aan suurta gal aheyn, soo afjaridiisana ay u baahan thy ka fikir dheer, iyo qorshe qaadan doona tobanan sano, inkastoo aysan dhanka kale muuqan, rajo weyn oo laga qabo in mareykanka uu gacanta kala laabto hab maamulka siyaasada dunida, waxa laga baqayo ayaana ah inuu dilaaco dagaalki 3aad ee dunida, kaas oo sameyntiisa laga dareemi dooono guud ahaanba caalamka.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Majiro Xal Aan Dagaal Aheyn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.