Dhageyso: Reer Galbeedka Oo Cunaqabateyn Kusoo Rogay Dahabka Laga Soo Saaro Ruushka.[Warbixin]

Waxay u dhowdahay in dahabka Ruushka uu noqdo mid dhibane u ah cunaqabateynnada ay reer galbeedku kusoo rogayaan dowladda Ruushka, wixii ka dambeeyay markii dowladan ay duulaan toos ah ku qaaday Ukraine, dhamaadkii bishii Febraayo ee horaantii sanadkan.

Joe Biden, madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa Dhawaan ku dhawaaqay in dowladaha warshadaha leh ee G7 oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Canada, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan  ay isla garteen in cunaqabateyn lagu soo rogo dahabka Ruushka, islamarkaana la diido in lasoo dhoofsado, laguna iibiyo suuqyada caalamiga ah.

Tallaabadan waxay qeyb ka tahay cunaqabateynnada culus ee ay reer galbeedku ku doonayaan iney dhulka kula galaan dhaqaalaha dowladda Ruushka ee uu hogaamiyo Faladamir Butin, iyo mid lagu doonayo in lagu kala duwo noocyada cunaqabateynnada, si Ruushka loo dareensiiyo culees iyo xanuun adag.

Kulanka dowldaha midowga Yurub ayaa iyagana lagu wadaa iney qalinka ku duugaan tallaabadan cusub ee lagu xayirayo dahabka Ruushka, ee sida aadka ah loogu kala iibsado suuqyada caalamiga ah, laguna tiriyo mid kamid ah ilaha dhaqaale e e ugu muhiimsan Ruushka marka laga soot ago shidaalka iyo qamadiga oo horey cunaqabateynno loogu soo rogay.

Inkastoo dowladaha reer galbeedka ay ka wada simanyihiin culeesyada lagu soo rogayo Ruushka, hadana waxaa jirta kala aragti duwanaansho meelaha qaar ah, dowladaha iskenadeefiyaanka ayaa soo jeediyay in cunaqabateynta cusub ee dahabka lagu dhawaaqo kulanka midowga Yurub kadib, halka dowlado ay kamid yihiin Biljimka iyo Jarmalkana ay soo jeedinayaan in marka hore xooga la saaro fulinta cunaqabateynnadii horey loogu soo rogay Ruushka.

Illaa iyo hadda macluumada ku aadan cunaqabateynta xaga dahabka ah ee lagu soo rogay Ruushka ma cada, lamana kala oga iney tahay cunaqabateyn la saaray xaga soo dhoofsiinta ama lasoo degidda ama iney tahay cunaqabateyn saameyneysa in lagu macaamilo dahabka jaalla ah.

Dadka ka shaqeeya arimaha ganacsiga ayaa aad u wareersan, iyagoo dareemaya in Ruushku saameyn ballaaran oo xaga dahabka ah uu ku leeyahay caalamka, suuqyo lagu iibyo dahabkana uga furanyihiin wadamo badan oo ay kamid yihiin Shiinaha, Hindiya, Imaaraatka Carabta iyo dalal kale.

Tallaabooyinkan cusub ee cunaqabateynta loogu soo rogay dahabka Ruushka sida muuqata ma saameyn doonto dahabka horey looga soo iibsaday Ruushka, sanadkii 2021-da ayaana qiimaha dahabka laga soo iibsaday Ruushka wuxuu gaarey lacag dhan 15 bilyan oo doollarka Maraykanka, taasoo muujineysa sida dahabka Ruushka laga soo saaro looga iibsado suuqyada caalamka ku kala firirsan.

Isla sanadka 2021-da, waxaa qiimeyn la sameeyey lagu ogaaday in guud ahaan dahabka la keeney suuqyada caalamka, 9% laga soo dhoofiyay Ruushka, khubarada dhaqaalahana waxay tilmaameen in horaantii sanadkan 2022-da ay aad u korortey tiradaaas, sababo ku aadan iyadoo ganacsatda Ruushka ay aad isaga iibanayeen dahabka qaaliga ah, baqdin ay ka qabaan darteed iney saameyn ku yeelato cunaqabateynnada ka imaan karay Reer galbeedka oo hadda dhab noqday.

Marka laga hadlayo ahmiyadda ay leedahay in reer galbeedku cunaqabateyn kusoo rogaan dahabka Ruushka, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa tilmaamaya in dahabka uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Ruushka, haddii cunaqabateyn lagu soo rogana ay ka dhigantahay in Ruushka uu waayay mid kamid ah ilihii dhaqaale ee uu ku maalgelin jirey shaqada dowladda oo ay hadda qeyb ka tahay dagaalka Ruushka.

Bankiga dhexe ee Ruushka ayaa qiimeyn uu sameeyey horaantii bishii January ee sanadkan, wuxuu keydka dahabka uu ku qiimayay lacag dhan 133 bilyan oo dollar, bishii xigtay ee Febraayana wuxuu bankigu sheegay inuu hoos u dhacay keydka dahabka ee bankiga yaala mustawo dhan 20%, taasoo muujineysa sida ganacsto badan oo Ruush ah ay ugala baxeen bandkiga dhexe dahabkii ugu keydsanaa.

Maxkamadda Amestardam ayaa horey waxay usoo saartey qaraar maxkamadeed oo dhigaya in Ruushku Ukraine ku wareejiyo dahabka As-Sakiithi lagu magacaabo, kaasoo ay maxkamaddu tilmaamtay in laga helo jaziiradda Al-Qaram, jaziiradaasna ay sharci ahaan hoostago Ukraine, inkastoo Ruushku xoog ku heysto, balse dowladda Ruushka ayaa ganafka ku dhufatay qaraarka maxkamadda, kuna tilmaamtey mid aan sharci ahayn.

Inkastoo reer galbeedku ay qaadayaan tallaabo weliba oo ay dhulka ku gelin karaan dhaqaalaha Ruushka, arintaas oo horseedaysa inuu socon waayo duulaanka Ukraine, hadana khubarada dhaqaalaha ee Ruushka waxay tilmaamayaan in saameyn aan sidaa usii badneyn ay keeni karto tallaabada lagu mamnuucayo dahabka Ruushka, saasoo ay tahayna aaney tallaabadaas wax culees ah ku keeni doonin howlgalka Ruushka ee Ukraine.

Bare wax ka dhiga iskuulka sare ee dhaqaalaha Ruushka oo warbaahinta la hadlay wuxuu tilmaamayaa in saameynta cunaqabateynta dahabka Ruushka ay noqon doonto mid yar, maadaama buu yiri ay jiraan suuqyo badiil ah oo loo iib geyn karo dahabka Ruushka, arintaas oo yareyn karta saameynta cunaqabateynta.

Suuqyada ugu muhiimsan sida muuqata ee uu Ruushku geyn karo wixii reer galbeedku diidaan waa Shiinaha iyo Hindiya oo kamid ah wadamada ugu dadka badan aduunka, sidoo kalena ganacsato badan oo adduunka ka shaqeysta ay ku xiranyihiin.

Wuxuu khabiirku sidoo kale tilmaamay in Ruushku heysto keyd ballaaran oo shidaalka ah, haddii nuqsaan ku timaado miizaaniyadda dowladana lagu kaabi karo keydkaas, oo loo suuq geynayo suuqyada caalamka, inkastoo laftooda shidaalka iyo saliida ay jiraan culeesyo cunaqabateyn oo horey ugu soo rogeen dowladaha reer galbeedka.

Marka laga hadlayo suuqyada ugu caansan ee uu Ruushku u iib geyn jirey dahabka waxaa qiimeyn la sameeyey lagu ogaaday in sanadkii 2021-da uu Ruushku iib geeyey 302 tan oo dahab ah, taasoo %6 ka yar intii uu gaarsiisanaa sanadkii kasii horeeyey ee 2020-ka.

Dalka Ingiriiska oo keliya ayaa sanadkii 2021-da wuxuu Ruushka ka iibsaday 266 tan oo dahb ah, guud ahaan dahabka uu sanadkaas soo dhoofiyay Ruushka, taasoo ka dhigan lacag dhan 15.4 bilyan oo dollarka Maryaknaka.

Lama oga in dahabka intaa la eg uu kusii haray London, iyo iney Ingiriisku usii dhoofisay dalal kale, maadaama lagu tiriyo Ingiriiska inuu yahay mid kamid ah suuqyada ugu muhiimsan caalamka ee macadanta qaaliga ah oo uu dahabku kamid yahay.

Hay’adda Kastamka federaalka Ruushka ayaa tilmaamtay in 8 tan oo dahab ah loo dhoofiyay Kazakhistaan, halka 7 tan loo iib geeyay Swizerland, 5 tan waxaa qaatay dalka Hindiya, halka 3 tanna loo suuq geeyey Bila Rusiya, 2 tan waxaa loo iibgeeyey Turkiga, halak 3.7 tanna loo dhoofiyay wadamo kale.

Marka laga hadlayo goobaha ugu muhiimsan ee laga soo saaro dahabka Ruushka iyo shirkadaha ka shaqeeya, waxaa dahabka laga soo saaraa 26 deegaan oo katirsan Ruushka, bariga dalka ayaana ah halka ugu badan ee laga qodo dahabka, deegaannada Karasnayarsk, Khabrofisk, Irkotisk, Magdan, Amor Yakootiya iyo Tashuukuutaka ayaana ah goobaha ugu weyn ee dahabka laga soo qaado, 85% guud ahaan dahabka Ruushka uu soo saaro ayaana laga soo qodaa deegannadaas.

Shirkadda Boliyos ayaa ah shirkadda ugu muhiimsan ee laga leeyahay Ruushka, kana shaqeysa soo saarista dahabka, waxaana ku xiga shirkadaha Bolymetal, Nordgold, Kinros gold iyo shirkado kale oo dhowr ah, kuwaasoo ka howlgala manaajim kala duwan oo ku yaala deegaananda 26ka ah ee badankood dhaca bariga Ruushka.

Marka laga hadlayo dahabka iyo ahmiyadda uu u leeyahay dhaqaalaha Ruushka, waxay khubaradu tilmaamayaan iney tahay saameyn weyn oo muuqata, inkastoo aaney gaarsiisaneyn saameynta Naftada iyo saliidda ay ku leeyihiin dhaqaalaha Ruushka.

Haddii la qiimeeyo qaabka ay dowladda Ruushka uga falcelin karto cunaqabateynta reer galbeedku kusoo rogaan dahabka Ruushka, wuxuu khabiir Ruush u dhashey sheegayaa in cunaqabateyntan aaney saameyn adag ku keeni doonin Ruushka, hase ahaatee suuqyada caalamka ee dahabka laga dareemi doono saameyn muuqata.

Wuxuu khabiirkan sheegayaa in bankiga dhexe ee Ruushka uu isku howli doono in shirkadaha maxalliga ah ee dahabka soo saara uu isagu ka iibsado dahabka, isagoo aan dhimin qiimaha uu horey u ahaan jirey, taas bedelkeedana dowladda Ruushka ay keydsan doonto.

Wuxuu intaa ku daray in dahabku yahay lacagta keliya ee lagu kalsoonyaahy, ugu caansna adduunka, saameynta xaga cunqabateynnada ay ku yartahay, xilli kalsoonida lagu qabo Dollarka iyo lacagta Yurowga ay aad usii yaraaneyso, arintan oo ah xaqiiq rasmi ah oo ay isku waafqsanyihin dhamaan dadyowga adduunka.

Khubarada dhaqaalaha Islaamiga ah ayaa horey usoo jeediyay in dadka muslimiinta ah yareeyaan ku tiirsanaanta lacagaha reer galbeedka ee waraaqaha ah, taas bedelkeedna ay xooga saaraan in lacagahooda iyo hantidooda ay u wareejistaan dahabka, kaasoo ah lacag rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Cunaqateynta Dahabka Ruushka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.