Ergay Xildhibaan Doortay Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Howlgallo Kale.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan ka fuliyeen magaalooyin iyo deegaanno katirsan gobolada dhaca koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay xubno katirsan DF.

Howlgal gaar ah oo ka dhacay xaafadda Daallo ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa rag hubeysan oo katirsan Al-shabaab waxay ku khaarijiyeen xubin ka mid ahaa Ergada soo dhistay xildhibaanada cusub ee DF gaar ahaan kuwa laga soo doortay Galmudug, kaasoo lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil (Warsame Garlle).

Sidoo kale weerar khaarijin ah oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda Federalka.

Isla duleedka Muqdisho gaar ahaan isbaaro ciidanka DF u taallay  Jaamacadda Shabeelle ayaa habeenimadii xalay waxaa lagu weeraray labo qarax, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay askartii ku sugneyd goobta la beegsaday.

Dhanka gobalka Shabeellaha dhexe shiishyahano katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay labo askari oo Burundheys ah oo difaac kaga jiray xero ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ilbaq ee duleedka degmada Balcad.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay weeraro fool-ka-fool ah ku qaaday saldhig ciidamada shihseeye ay ka sameesteen deegaanka Buufow, iyagoona isla xalay dagaal culus ku miray xerada askarta DF ee Buundada deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelleha Hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.