Hal Ruux Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Toronto Ee Dalka Canada.
Wararka naga soo gaaraya bartamaha wadanka Canada ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar toogasho ah oo geystay khasaare dhimasho sida ay baahisay warbaahinta Canada.
Kanaalka CTV ayaa shaaciyay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay toogashadaan oo si gaar ah kaga dhacday maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Toronto ee gobalka Ontario ee dalka Canada.
Mas’uul katirsan waaxda booliska ee magaalada Toronto ayaa sheegay in ciidanka amaanka oo gaaray goobta kadib taagashada ay halkaas ka heleen ruux qaba dhaawac halis ah, kaasoo ugu danbeyn isbitaalka ugu geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarka.
Baailiska dalka Canada ayaa sheegay inay ku raad joogaan ruux lagu tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay weerarkaan khasaaraha geestay.
Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa marar badan ka dhacay weeraro toogasho ah oo ay gestaan dad hubeysan kuwaas oo sababay waxyeelooyin kala duwan.