Hal Sawir Ka Wax Sheeg Badan Kun Eray oo La Qoro Ama La Akhriyo!!
Sida ka muuqata sawirka, waxaa wada fadhiya Xassan Sheekh oo ah madaxweynaha cusub ee DF, Farmaajo oo ah madaxweynihii isaga ka horreeyay iyo Abiy Axmad oo ah Ra’iisulwasaaraha Itoobiya.
Abiy ayaa fariistay Xassan iyo Farmaajo dhexdooda, kaaga darane labadooduna waxay aad dareenkooda u siiyeen Abiy, waxaadna moodaa wiilal aabahood dhaxda uga jira oo kale.
Dadka aqoonta u leh nidaamka dowliga ah waxay sheegayaan in ay khalad ahayd halka la fariisiyay Abiy, taa badalkeedana loo baahnaa in la is xijiyo Farmaajo, Xassan Sheekh iyo Shariif.
Sawirkan ayaa wuxuu macno weyn u sameynayaa Abiy Axmad, wuxuuna macno dilayaa Xassan Sheekh, Farmaajo iyo xataa dadka Soomaalida.
Markaad booqato baraha bulshada ma arkeysid dad Soomaali ah oo sawirkan ku faraxsan, laakin dadka Itoobiyaanka ah ee isticmaala baraha waxay aad u wareejinayaan sawirkan.
Sidoo kale waxaa sawirkan bartiisa Twitter kusoo daabacay Abiy Axmad qudhiisa, waa markii ugu horreysay oo la arko taariikhda laba madaxweyne oo soo martay Soomaaliya oo uu sidan u dhex fadhiyo mas’uul Itoobiyaan ah iyagoo waliba usoo iilanaya.
Sawirkan ayaa farriin u diraya Soomaalida, wxuuu tusayaa xaaladda dhabta ah ee uu dalku marayo, HAL SAWIR KA WAX SHEEG BADAN KUN ERAY OO LA QORO AMA LA AKHRIYO.