Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Dhulka Soomaali Galbeed. (Sawirro)

Warar ka imaanaya dhulka Soomaali galbeed ee ay gumeysato dowladda Itoobiya ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay tilmaamayaan wararka la helayo shilkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay meel u dhow deegaan lagu magacaabo Darida oo toostaga degmada Cuyuun ee dhulka Soomaali galbeed.

Shilkaan ayaa yimid kagadaal markii sida la sheegay gaari nuuca Toyota-da ah oo ku socday xawaare sare uu u baxay shaagga ama taayirka dhanbe, taasoo sababay in uu wadada ka baxo gaariga, islamarkaana uu rogmado, waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday 6 ruux oo la socday gaariga.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaan ku geeriyooday 4 ruux oo ku jiro dirawalkii waday gaariga, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 kale, kuwaaso oo loo qaaday goobaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Qaar kamid ah dadka kunool deegaanka ayaa u gurmaday dadka ku waxyeeloobay shilka, waxaana Sawirro laga soo qaaday goobta lagu arkayay burbur xooggan oo ka muuqda gaariga.

Deegaanada hoostaga dhulka Soomaali galbeed ayaa waxaa marar badan ka dhacay shilal gaari kuwaas oo geystay khasaarooyin nafeed oo kala duwan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.