Ku Dhawaad 10 Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhawaac ku Noqday Toogasho Ka Dhacay Maraykanka.
Sida ay ku warantay warbaahinta Mareykanka weerar toogasho ah oo khasaare dhimasho iyo mid dhaawacba geystay ayaa ka dhacay magaalo ku taalla gobolka Arizona ee dhaca galbeedka dalkaasi
War kasoo baxay booliska dowladda dalkaas ayaa lagu xaqiijiyay in ugu yaraan hal ruux uu dhintay 8 kalena ay ku dhawacmeen toogashadaan oo si gaar ah kaga dhacday goob laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona.
Sarkaal katirsan booliska magaalada Phoenix ayaa saxaafadda u sheegay in toogashada ay timid kagadaal markii muran uu soo kala dhexgalay dad ku sugnaa xarunta ganacsi, taasoo sababtay in rasaas la isweydaarsado, waxaana ka dhashay dhimashada gabar yar iyo dhaawaca 8 kale oo qaar kamid ah xaaladooda ay halis tahay.
Sarkaalkaan ayaa intaasi raaciyay in ilaa hadda aysan jirin qof loo xiray dhacdadaan ama lagu tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay waxa dhacay.
Labadii Todobaad ee lasoo dhaacay waxaa dhawr gobol oo kamid ah dalka Mareykanka ka dhacay weeraro toogasho ah oo ay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen in kabdan 30 ruux oo Ameerikaan ah. Waxaana ugu khasaare badnaa toogasho warareed ka dhacay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas waxaana halkaas lagu dilay 19 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 11 jir iyo laba macallin oo wax ka dhigayay dugsigaasi.